DEG-DEG: Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Puntland oo ka deyriyay siyaasada Puntland ee la dagaalanka argigixisada

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Puntland Maxmed Muuse Cabdulle ayaa ku dhaliilay dowladda Puntland inay aad u liidato siyaasadadeeda ku aadan la dagaalanka argigixisada.

Maxmed Muuse Cabdulle oo sidoo kale sheegtay inuu yahay madaxii isku xirka dibada ee hay’adda PIA, balse bishii February isku casilay sababo la xiriira muran xaga mushaarka ayaa sheegay, hay’adda PIA-du inay haysto hogaan xume, sidoo kale wuxuu tilmaamay hay’addaha amnigu inaysan muddo si fiican u shaqeynayn.

Cabdulle ayaa si gaar ah ugu eedeeyay agaasimaha hay’adda sirdoonka Puntland cabdirisaaq Khatuma inuusan ka jawaabin wicitaanada islamarkaana uusan ka jawaabin Iimaylada lasoo diro.

Hadalkaan ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay website Bloomberg, oo qoray warbixin dheer oo kaga hadlay qatarta argigixisada ku hayso Puntland.

Puntlandnews.net

 

Post Comment