DEG DEG-Beesha caalamka oo Muqdisho ka qabanaysa arrin ka farxisay shacabka Soomaaliyeed-akhriso.

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya qorshe balaaran oo lagu dhisayo safaarado badan oo ay dagi doonaan dalalka xariirka dhow la leh Soomaaliya.

Wadamo badan ayaa isku diyaarinaya iney safaarado waa weyn ka sameystaan magaaladda Muqdisho halka sidoo kale ay magaalooyinka kale ay qunsuliyado ka dhisanayaan

Inkastoo safaaradaha ugu badan ee Muqdisho aysan dhisaneyn hadana waxaana qaarkood guryihii ama xarumihii ay daganaan jiriin degan dad danyar ah oo hooyo ka dhigtay sanadihii ugu dambeeyay.

Waxaana dhamaan safiirada lasoo magacaabo ay ku shaqeeyaan  dhismayaal kunteenaro ah oo laga dhisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho dhexdiisa iyo madaxtooyada Soomaaliya, waxaana kamid ah safaarada Ethiopia oo madaxtooyada ku dhextaala.

Safaaradaha kale ee ugu dhow ayaa ku shaqeeyo hoteelo ay kireysteen, iyaga oo ka fogaanaya inay dhaqaalo ku bixiyaan dhismaha dhulka ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho.

Haddii safaaradaha ay dhulalkooda ku yaala magaalada Muqdisho dhistaan waxaa laga dhaxlo karaa labo arin oo ku aadan in dhaqaalaha dhismaha safaaradaha uu soo gaaro shacabka Soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb qaataan bilicda magaalada.

Sidoo kale arinta labaad ee laga faa’iidayo ayaa ah inay safaarada ka qeyb qaadan doonaan dhanka amaanka oo safaarad walbaa waxay ilaalin doonaan agagaarkeeda amniga ku xeendhaaban.

Waxyaabaha kale ee laga faa’iidayo ayaa ah in safaarada ay si wanaagsan u shaqeeyaan haddii ay dhulkooda dhistaan, sababtoo ah hadda waxay ka fakarayaan kaliya shaqaalahooda oo u dhex dagan garoonka diyaaradaha.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Nuh says:

    BEESHA CAALAMKA GARANEY-E”IYADANA MAXAA U QORSHEYSAN BEESHA GUDAHA?




.

.