CONTACT US

Donald Trump oo amar ku bixiyey in si deg deg ah dibu eegis loogu sameeyo heshiiskii..

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray Golaha Amniga Qaranka inay dib u eegaan heshiiska caalamiga ah ee barnaamijka nuclear-ka Iran, iyo in hakinta cunaqabateynta la saaray dalkaas “ay muhiim u tahay danaha amniga qaran ee Mareykanka”.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa dib u eegistan shaaca ka qaaday talaadadii markii uu la hadlay afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan.

Tillerson ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso mas’uuliyadda ka saaran fulinta heshiiskii la gaaray 2015-kii, kadib wada-xajaoodyo ay la gashay Mareykanka, Britain, France, China, Russia iyo Germany.

“Si kastaba Iran weli waa dal argagixisada ku taageera meelo iyo habab badan” ayuu yiri Tillerson.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




muuqaalada

kasamayso1-300x167