KASHIFAAD-AMISOM oo magaalada Muqdisho ka bilowday arrin halis ku ah jiritaanka shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee warbaahintu heshay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay maalin walbo magaalada Muqdisho ka sameeyaan arrin aad halis ugu ah dhanka amniga.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa maalin walbo waxa ay iibiyaan Booyad Haafkeed oo shidaal ah, iyaga oo siiya shirkado ay shacab leeyihiin.

Geerash ku yaalla degmada C/casiis, gaar ahaan meel ku dhow Mirnaayada ayaa naloo xaqiijiyey in galab walba abaare 5-ta ay tagaan Saddex gaari oo Labo ay yihiin kuwo dagaal oo ciidamada AMISOM saaran yihiin, halka midka kalena yahay booyad haaf ah oo shidaal lagu qaado.

One thought on “KASHIFAAD-AMISOM oo magaalada Muqdisho ka bilowday arrin halis ku ah jiritaanka shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.

  1. War wax muuqda oo la taaban karo ka hadla wiilashiinaan wax soo quraayi. Maxaad sheegtey iminka? bal adiguba dib ugu noqo waxa ad halakan ku soo qortay car garo..

    War aqoon dheeri ah ayey u baahan-tahay in suxufi la noqdo ee ord Skuulii ku noqo.

    Reply

Post Comment