Sawirro-Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiir Juxaa oo xalay ku dhaqaaqay tallaabo farxad gelisey…

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho iyo wadahadal ah la qaatay madaxda Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

Kulanka ayaa la isku weydaarsaday fikirka kooxda Ahlu suna ay ka qabto ee wadahadalka lagu dhexdhexaadinayo iyaga iyo Galmudug.

Ujeedka kulanka iyo cashada ayaa ahayad in la dardargeliyo wadahadallada magaalada Muqdisho uga furmaya Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Waxaa goobjoog ka ahaa kulankaas Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur.

Ahlu suna ayaa la sheegay inay aad u fog yahay mowqifkooda oo sidii la filayay ay ka xag jirsan yihiin sida ka muuqatay go’aanada iyo shuruudaha ay wataan.

Madaxda DFS ayaa isku dayaya in Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku qanciyaan iney dhinac ka raacaan isbadalka cusub ee dalka isla markaana xubno ku yeeshaan Galmudug.

Farmajo_juxa sheekh_Shaakir1

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Nuh says:

    MAANTA ADIGAA BEEN NOOL BERINA KURSIGAAN CID KALE UMBAA FARIISNA, SIDAA DARTEED””DANTA GUUD




.

Shirkado Xariir Nala Leh