WAR-DEG DEG AH: Dhegayso: Dowladda Puntland oo ku dhowaaqday in go’aan cad laga qaato kasii mid ahaanshaha

Garowe (Puntlandnews) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa maanta si kulul u eedeeyay mashruuca horumarinta degmooyinka Ee JPLG, kaasoo uu ku tilmaamay mid lagu bahdilayo sharafta ummadda Soomaaliyeed si aysan wax u qabsan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay dhaqaalaha ugu badan ee mashruuca ku baxa inay ku tamashleeyaan hay’addaha mashruucaan ku bahoobay, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay jeebkooda ku shubtaan dhaqaalaha caalamku ugu yaboohay Soomaaliya.

“Lacagta hadda la hayo waa afar milyan iyo xoogaa, lacagtaas Saddex meelood labo meel oo kamid ah waxay ku baxdaa safaradooda, ilaaladooda, gaadiidkooda iyo hotelada qaaliga ay dagaan. Wixiii intaas kasoo hara ayaa laguugu bahdilayaa,” ayuu yiri Camey.

Wuxuu madaxweyne ku xigeenku ku baaqay in laga maarmo ku tiirsanaanshaha mashruucaan iyo guud ahaan kaalmada shisheeyaha, taa badalkeedna wuxuu soo jeediyay inay dadku isku tashadaan oo ay ka miro dhaliyaan  inay wax qabsankaraan,”ayuu yiri Camey.

“Aan gaarno heer aan ka maarmano kaalmada ajnabiga noo keenaan. Aan ku fekerno sidii aan dalkeena u horumarin lahayn, waxayna ku xiran tahay arrintaas inaan canshuurta bixino,” ayuu ku daray yiri madaxweyne ku xigeenku.

“Markaad dib u raacdaan mashruucaan waxaa ugu badan ee laga fuliyay waa wadooyin yaryar oo ku baxay $150,000 ama $200,000. Bal ka warama haddii aan maalin jimce ah masaajidka iska taagno waxaynu dhisan karnaa afar wado.

Halkaan ka dhageyso codka madaxweyne ku xigeenka.

PuntlandNews

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Hassan says:

    Waan soo dhaweyneynaa in shacabka somalidu waxqabsadan si ay uga marmaan wax isdaba marinta hayadaha shisheeye ee dilaalka ah waxaase isweydiin mudan mamulada somalida hor ordaaya degamada oo dhan sidee bey ugu fhaqaman sharuucda u taal & xoolaha umada sida canshuurta & deeqaha gacantooda soo gala?
    Waxan qabaa in ay iyagu hormuud ka yihin boobka xoolaha umadda oo ay qaatan si xisaab la’aan ah wax xisaab celin ah ma sameryaan marka somalidu
    Waxay tiraahdaa @ geel irmaankiisii durdurnayo ka waran horweeynkiisa” marka hayyadahu waxay ka faideysanayan musuqa ka jira somalida hogamiyashooda hadeysan iyagu isa sixin waa adkaaneysaa in haydaha & shacabkuba wadada ku soo dhacan ee iyagu hala yimadan check and balance dhinac walba ah hana ku dhaqmaan sharciga u yaal




.

Shirkado Xariir Nala Leh