WAR DEG-DEG AH: Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo taageeray mooshin xilka looga qaadayo….

Garowe (Puntlandnews) 19 Abril-2017:- Xildhibaano katirsan gollaha deganaanka degmada Garowe ayaa wada mooshin ay rabaan in xilka lagaga qaado duqa degmada  Xasan Maxamed Ciise goodir kaasi oo dabada ka riixayo madaxwayne ku xigeenka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sida aan xogta ku helnay waxay isaga iyo duqa  Garowe isku qabteen dhulka  dowladda ee degmadu maamusho kaasi oo camay doonayey in la siiyo niman ganacsato ah oo ay isku belyihiin.

Hase ahaate duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise goodir ayaa  ka biyo diiday madaama waraaqda madaxwayne ku xigeenku soo qoray aysan waafaqsanayn  nidaamka lagu bixiyo dhulka dowladda .

Intaas wixii ka dambeeyey madaxwayne ku xigeenku waxaa uu saldhig u ahaa mooshin ay wadaan dhowr  xildhibaan oo ka tirsan gollaha degaanka degmada Garowe.

Mooshinkaan ayaa xildhibaanada gollaha deegaanku la eeganayeen kalfadhiga gollaha deegaanka Garowe oo uu dib udhac uu ku yimid, kadib markii la sheegay inuu duqa degmadu ka biyo diidsan yahay in furo kalfadhiga, isagoo ku marmarsiyoonaya abaaraha jira awgood.

Puntlandnews.net

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Wiilwaal says:

    Camay mala warsaday in ruux ka soo jeedaa Garowe dhul ama guri kuleeyahay Buuhoodle ama Laascanood? markaad oggoolaataan in dhulka la wada leeyahay ama la wada degi karo markaas ayaad Garowe wax ku sheegankartaan.

  2. Mr awbarakaale says:

    Salaan ka dib madaxwaynaha xaq buu uu leeyahay in uu dhul bixiyo mar reer garoowe ha ogaadaan in garoowe ay tahay magaaladiii madaxda puntland markaa waa in xilkaa laga qaadaaaa duqa magaalada hadii uu diiday amarka madaxwayne ku xigeenka mahadsanidiin

  3. Samawade says:

    Waxsa ika talo ah .in marka hore la hubsado sida ay wax u jiraan .dabadeedna qof kasta xaq buu y yeelankaraa in la ga faalooda.




.

.