WAR DEG-DEG AH: Xiriirka kubadda cagta Afrika oo ku dhawaaqay war culus ka dhan ah ciidamada Amisom, farxad u ah shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Xiriirka kubadda cagta Afrika Axmed Axmed ayaa si degdeg ah ugu baaqay inay ciidamada Amisom uga guuraan garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, kadib muddo toban sano ah oo garoonkaasi yahay mid kamid saldhiga ugu weyn ciidamada Uganda ee Muqdisho.

Axmed ayaa balanqaaday inuu u ololeeyndoono in Stadium Muqdisho uu mar kale noqondoono goob ciyaareed, garoonka oo qaada 33,000 dad ah ayaa kamid ah xarunaha ciidanka Amisom ee lagala dagaalamo Alshabab.

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku guul daraystay inay dib loosoo celiyo garoonka.

“Waxaan la kulmay hogaamiyayaasha Soomaaliya waxayna isku raaceen in garoonka dib loosoo celiyo,si halkaas markale loogu qabto ciyaaraha Soomaaliya,” ayuu yiri Axmed oo balanqaaday inuu arrintaan la kaashaandoonto xiriirka kubadda aduunka ee FIFA.

Puntlandnews.net

Post Comment