DEG-DEG AH: Jabhad hubaysan oo La Magac Baxday Guutadda Soomaaliya oo looga dhawaaqay…..

Dagaalamayaasha taabacsan Raashiya ee haatan gacanta ku haysa Gobalka Donetsk ee dalka Ukraine ayaa sheegtay inay u dagaalamayaan sidii Dagaalamayaasha Soomaalida oo kale.

Taliye Deegaan oo lagu magacaabo Mikhail Tolstykh, kuna sugan Degmadda Ilovaisk ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka ay u socdaan Dhacdooyinka Dagaalka.

Taliyahaasi oo 34-jir, horeyna u ahaan jirey Dareewal ayaa waxaa lagu naanaysaa Taliye Givi, wuxuuna xusay inaysan Ciiddanka Ukraine marnaba soo gelin Deegaankiisa

Isagoo la hadlayey Wargeyska Wararka Toddobaadka ee NEWSWEEK ayuu  sheegay inay 107 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Dowladda Ukraine oo wata Hal Madfac ku sugan yihiin Gacanka, kuwaasi oo taageero ka hela Taliye lagu naanayso Motorola iyo qaar ka mid ah Dagaalyahano Jejniyiin ah.

Mar wax laga weydiiyey Xeelladaha ay Dagaalamayaashiisa ku dagaalamaan waxa uu tilmaamay inuu Ciiddankiisa ugu magac daray Guutadda Soomaaliuda “Somalia Battalion”.

Wuxuuna naanaystaasi ku muujiyey inay Soomaalida geesiyiin ku yihiin Dagaalka, sida Burcad-baddeeda, taasi ay keentay inay Ciiddankiisa isku magacaabaan Guutadda Somalia.

1107fe0219ilovaisk06a UKRAINE-768x511

Post Comment