WAR DEG DEG AH-Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay amar deg deg ah…

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka walwalsan amaan xumadda wali ka jirta magaaladda Muqdisho xili uu dhawaan magacaabay taliyaal cusub.

Inkastoo ay yaraadeen weeraradii qaraxyada ahaa ee Muqdisho hadana wali waxaa magaaladda ka soconaya dilal iyo weeraro kale oo toos ah.

War kooban oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu wali ka wal walsan yahay amaan xumadda ka jirta Muqdisho.

Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in la sameeyo howlgalo dheeraad ah si amaanka Muqdisho uu unoqdo mid la isku haleyn karo.

Madaxweynaha ayaa Mas’uuliyiinta Hay’adaha amaanka ku amray inay wax muuqda ka qabtaan Amni darida, waxa uuna sheegay inaanu suuragal noqon doonin in Hay’ada Amni oo magacaaban hadana magaalada Muqdisho ay ka dhacaan falal amni darro.

Madaxweynaha ayaa amarkaani bixiyay xili uu kulamo kala duwan la qaadanaayay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Hay’adaha amaanka waxa uuna arrin fool xun ku sheegay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan falal amni darro.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la nabadeeyo dhammaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho inta laga gaaraayo Gobolada iyo deegaanada kale oo ay ka dhacaan falalka amni darro.

Waxa uu sheegay inay adag tahay in laga guuleysto Al-shabaab balse uu doonaayo in Hay’adaha ay kaashtaan shacabka si buu yiri ay garab uga helaan isla markaana u faramuuqan kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo xasiloonida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladiisa ay kaalinta koowaad siin doonto Amniga iyo isku xirka shacabka waxa uuna ballanqaaday inay ka dhabeyn doonaan qodobada uu ka hor ballanqaaday shacabka.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.