War deg deg ah oo hadda nasoo gaarey iyo dagaalyahano katirsan ururka Alshabaab oo la

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo waxaa ay sheegayaan in Diyaarado Dagaal ay Duqeyn xoogan ka geysteen Gobolkaas.

Diyaaradaha Ayaa duqeeyay Saldhigyo la sheegay in ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntu waxa ay ka dhacday Deegaanada Daarul-salaam iyo Gariley oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaana deegaanada ay hoos yimaadaan Degmada Ceel-waaq.

Diyaaradaha duqeynta fuliyay ayaa la sheegaya in ay ahaayeen Diyaaradaha Ciidamada Kenya kuwaas oo Weerarka fuliyay Xalay Saqdii dhexe.

Post Comment