Maqaal ka hadlaya madaxbanaanida Hadalka , Waxaa qoray Yaxye Bisle Suuley.

Warbaahinta:- Eersi mise Awood?

Sannad kasta maanta oo kale 3-da bisha May ayaa u asteysan xuska iyo isku-baraarujinta ahmiyadda madax-banaanida warbaahinta iyo in la xusuusiyo dowladaha waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo dhiirigelinta warbaahinta madaxa banaan oo ah xuquuq asaasi sida ku cad qodobka 19-aad ee Bayaanka Caalamiga ah Ee Xuquuqda Aadamaha(Universal Declaration of Human Rights).

Waxaan munaasabaddaan uga faa’iideysanayaa in aan u hambalyeeyo dhammaan bahda warbaahinta, gaar ahaan weriyayaasha, howl-wadeenada iyo maamulka warbaahinta Soomaaliyeed, sannadkaan sannadkiisaa waxan u rajeyn nabad-qab, caafimaad, iyo horumar.

Saxaafadda ama warbaahinta waxaa lagu qeexaa howsha soo ururinta, qiimaynta, sameynta(qoraal, cod ama muuq) iyo soo bandhigida warka ama xogta. Iyadoo dadka ku shaqeeya mihnaddaan ay kala qaataan magacyo kala duwan ayaa haddana shaqada saxaafaddu waxay ku urursan tahay intaas oo soo xusnay.
Inkastoo ay jiraan mabaadi’ tiro-beel oo ay leedahay mihnaddaan, ayaa haddana waxa lagu soo ururin karaa shantan soo socota:-

1. Xaqiiq iyo Run-sheegid(Truth and Accuracy):- sheegida runta oo aan barax lahayn ama xaqiiqooyinka sida ay yihiin, mabda’aani waa laf-dhabarta warbaahinta.

2. Madax-banaani(Independence):- Warbaahintu iyo howl-wadeenadu waa in ay ka madax-banaan tahay si toos ah iyo si dadbanba eex iyo cid-jeclaysi ku salaysan siyaasad, dhaqan, ahaansho(qabiil), kooxaysi(xisbi,firqo diini ah).

3. Sinnaan iyo Dhex-dhexaadnimo(Fairness and Impartiality):- Maadaam warka ama xogtu ay khusayso laba dhinac ama ka badan, waa in ah warbaahintu dhexdhexaad ka ahaataa labadaas dhinac(walow ay adag tahay dhexdhexaadnimadu markuu dhinac gaysto dambi aadaminimada ka dhan ah sida dil, xasuuq iwm).

4. Aadaminimo(Humanity):- Wariyuhu waa in uusan wax dhiba si ku talagal ah u gaysan, inkastoo wararka iyo xogaha uu soo gudbinayo ay wax dhibi karaan, waa in uu ku wacyi-gashan yahay saameynta erayada, codadka iyo muuqaalada ay soo gudbinayaan, hadii loo baahdana ay uga digaan dadka xogtu gaarayso(Viewer Discretion).

5. Is-xisaabin(Accountability):- waa awoodda ay warbaahintu iyo howl-wadeenaduba u leeyihiin in ay naftooda kula xisbaatamaan u gudashada shaqadooda si hufan, sidoo kale waa in si daacad ah raalligelin uga bixiyaan khaladaadka ka dhaca.

Iyadoo ay jirto in mihnadda saxaafadu ay inta badan ka howl badan tahay, ka dhaqaale-yar tahay, kana khatar badan tahay shaqooyin badan ayaa haddana waxaa ay dheer tahay mihnadaha kale in qofka ku shaqeeya mihnaddaan uu:- aqoon dheeri ah u yeesho bulshadiisa, la kulmo lana shaqeeyo dhammaan qeybaha bulshada ee kala duwan, ku sifoobo tartan iyo horusocod hufnaan ku dheehan tahay, in qofka bulshada badankeeda ay aqoonsato, in uu qofku salaaxiyad u helo ka warqabka wax badan oo bulshada guud ka daahan iyo in qofka iyo hey’ada warbaahineed ee uu shaqeeyaba ay saameyn xooggan ku leeyihiinn bulshada.

Waxaa la sheegay in ka hor duulaankii Mareykanka iyo xulufadiisu ay ku qaadeen dalka Ciraaq 2003dii, ay warbaahintu maxaliga ah ee Mareykanku door xoog leh ka qaadatay buunbuuninta sheegashadii dowladda Mareykan ee ahayd in dalka Ciraaq uu haystay hubka wax gumaada “Weapons of Mass Destruction”, taas oo sidii markii danbe caddaatay aan sal iyo raad toona laheyn balse aheyd dacaayad ay reer-galbeedka qaarkiis ku jidaysanayeen duulaan ujeeddooyin qarsoon lahaa.

Waxaa dagaalkii dabadiis ay hey’adaha warbaahinta qaarkood ku baraarugeen sida ay tuug-kalkaal u noqdeen ugana qeyb ahaayeen duulaan gardarro ah iyo dhacdo taariikhda qarniga 21aad cawaaqib aan la mahadin ku yeelatay, waxaana hey’adahaas ka mid ah wargeyska The Newyork Times oo ah wargeyska labaad ee loogu akhriska badan yahay Mareykanka, jirayna muddo qarni ka badan.

Haddaba, waxaan la daahi-karin saameynta xooggan ee warbaahintu ku leedahay guud ahaan nolosha bulshooyinka caalamka, sida aan ognahayna saameyntu waa “Awood”, waana sababta mararka qaarkood warbaahinta loogu naaneyso “Awooda Afraad”, iyadoo lagu dhererinayo awoodaha seddexda ah ee nidaamka dowliga ah oo kala ah Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Haddaba iyadoo aysan saameynta warbaahintu halkaas ka gaarsiinayn bulshadeena Soomaaliyeed, haddana waxaa habboon, in hey’adaha warbaahinta iyo howl-wadeenadooduba ay ku baraarugaan saameyntooda ballaaran ee ay leeyihiin iyo sida habboon ee ay ugu baddali karaan awooddaas waxqabad iyo ku hagitaanka bulshada halka ay dantooda adduun iyo tooda aakhiraba ku jirto.

Inkastoo aan oday-dhaqameed soo xulin, aysana ku soo bixin rabitaan dadweyne sida wakiilada shacabka (Xildhibaan gole-degaan, Xildhibaan gole-shacab), haddana howl-wadeenada warbaahintu magac kasta ugu yeeroo, waxay matalaan bulshada, shaqooyinka ay qabtaanna waxaa lagu soo ururin karaa:-

1. Ka warsiinta bulshada dhacdooyinka iyo howlaha socda ee aysan bulshadu ka warqabin.
2. Gaarsiinta codka qeyb ka mid ah bulshada., amaba cid kale dadka intiisa kale iyo qolooyinka ay markaas khusayso, taas oo u dhiganta u qareemid ahna in ay cod siiyaan cidda aan laheyn cod, waana sababta ay isugu saariyeen magaca “Codka Shacabka”.

Iyadoo dalkeena Soomaaliya uu sannadkan 2017 ka galay kaalinta 165aad liiska xorriyadda saxaafadda waddamada aduunka sida ay qortay hey’adda Reporters Sans Frontières(Wariyayaasha aan xuduuda laheyn), haddana hey’adaha warbaahinta iyo howlwadeenadoodu waxay iyagoo ku shaqeynaya duruuftaas adag inoogu yaalan wax badan, waxayna door weyn ka qaateen nabad-qabkeena iyo baraaraheena bulsho ahaan, sidoo kalena waxay door hoggaamineed ka qaateen hadba waayaha qallafsan ee ina soo mara, waxaana tusaale u ah abaarti darneyd ee Rabbi nooga gargaaray sidii ay intii karaankood ah ugu hagar-baxeen dadkii ku tabaaloobay.

Waxaan la inkiri karin tartanka xooggan ee warbaahinta caadiga ah(Mainstream Media) kala soo darsay baraha bulshada sida Facebook, Whatsapp, Youtube, Twitter, Tumblr, Instagram, Pinterest iwm, balse saxaafaddu weli waxay haysataa la socod iyo sumcad ku filan iyadoo kaga horreysa baraha bulshada dhanka isku-halleynta helitaanka xogta(Reliability) iyo run-sheegga iyo saxnaanta(Truth and Accuracy).
Haddaba hadii labadaas astaamood oo muhimka ah laga waayo saxaafadda waxaan qabaa in aysan wax badan ka geddisnaanayn barta faysbuuga ee qof da’yar ah oo afkiisa wixii soo mari karayba ku qora inta uusan maskaxdiisa kala tashan.

Si howlwadeenada warbaahintu naftooda iyo bulshadaba ugu faa’iideeyaan mihnaddaan muhimka ah, waxaa ila qumman:-

1. In ay uga soo baxaan shaqadooda sida ugu habboon oo aan laheyn hagar iyo hagardaamo, iyagoo fartoomaya amarkii ku soo arooray xadiiskii nebigeena Muxammad SCW ee ahaa:- “Ilaahay wuxuu jecel-yahay midkiin haduu shaqo qabanayo in uu hagaajiyo”.

2. In shaqada ay hayaan u arkaan adeeg dadweyne “Public Service”, ayna ka fekeraan wax naftooda dhaafsiisan, oo aysan xirfadooda u adeegsan dallacsiinta naftooda balse uga faa’iideystaan horumarinta bulshadooda.

3. In qofka ku howl-galaya hey’adaha warbaahintu uu u hormariyo naftiisa aqoon iyo xirfad ahaan isagoo xoogga saaraya waxyaalaha asaasiga ah sida:- Iska hagaajinta qoraalka iyo wax-akhriska, barashada xirfadaha kumbuyuutarka, barashada luuqadaha iyo aqoonta guud si uu ugu gudan karo shaqadiisa si xarrago leh.

4. In guud ahaan hey’adaha warbaahinta, ururadooda iyo qolyaha daneeya ay horumariyaan Warbaahinta daba-galka ku saleysan “Investigative Journalism”, oo aysan ku mashquulin tabinta wararka iyo dhacdooyinka maalinkaas un balse sidoo kale la hormariyo awoodda soo tabinta waxyaalaha ka dahsoon bulshada una baahan in laga soo warramo dadkuna xogtooda helaan.

W/Q:- Yaxye Bisle Suuley; Graduate of Basic Journalism from Warsame Abdi Shirwa’ School Of Journalism
Contact:-yaxyebisle8@gmail.com

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.