DEG DEG: Ganaax suuqa kala iibsiga ah oo lasaaray Manchester City

Xiriirka kubada Cagta dalka England ee FA ayaa Ganaax dul dhigay Kooxda kubada Cagta Manchester City Waxaana lagu Ganaaxay in mudo 2 Sano ah aysan soo qaadan karayn Cayaartoyda yar yarka ee lagu Tababaro Xerada Naadigaas.

Manchester City ayaa lagu eedeeyey in ay ku xad gudbeen sharciga soo qaadahsada Cayaartoyda yar yarka ah ee ay Tababarka Kubada cagta u bilaabaan kuwaas oo sidoo kale ka Saxixda sida lasheegay ilmo yar yar oo aan qaan gaar ahayn.

Kooxda Manchester City oo ka mid ah kooxaha ugu soo saarka badan Sanadihii dambe Cayaartoyda yar yarka ah ayaan mudo 2 Sano ah heshiis lagali karayn Cayaartoyda  akademiyada Naadigaas lagu Tababaro sidoo kale Waxaa lagu Ganaaxay in ay bixiyaan lacag dhan £300,000.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.