Man City oo ay ka maqnaan doonaan Sergio Aguero iyp John Stones

Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester City Pep Guardiola oo shir Jaraa is qabtay ayaa cadeeyey in Cayaartoydiisa kala ah Sergio Aguero iyo John Stones ay seegi doonaan kulanka Horyaalka England ee ay la dheeli doonaan Crystal Palace.

Pep Guardiola oo Xiligaan lahubo in uu Koob la.aan Garoomada ka bixi doono ayaa maqnaashaha labada Xidig ee kala ah Sergio Aguero iyo John Stones kutilmaamay Nasiib daro waxaana ay ku seegi doonaan kulanka Sabtiga dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray.

Manchester City ayaa dib u heli doonta sida lacadeeyey kabtankooda David Silva kaas oo dhaawac kaga maqnaa labadii Cayaarood ee la soo dhaafay ee Horyaalka dalka England waxaana soo laaashadiisa ku farxay Macalin Pep Guardiola maadaama aad looga tabay Naadiga oo bareejo galay Kulankii u danbeeyey ee ay ladheeleen Middlesbrough iyoo ka sii horeeyey ee Man United.

Post Comment