N’Golo Kante iyo David Luiz oo qatar ugu jira in ay seegaan Kulanka Middlesbrough

Macalinka kooxda kubada Cagta Chelsea Antonio Conte ayaa shaki badan geliyey in ay dheeli karayaan kulanka Horyaalka England ee ay isniinta dheeli doonaan Cayaartoydiisa kala ah N’Golo Kante iyo David Luiz.

Antonio Conte oo kahadalayey shir Jaraa id Jimcihii ayaa sheegay in Cayaartoydiisa daafaca iyo Khadka dhexe ka kala dheela ee kala ah N’Golo Kante iyo David Luiz aysan dheeli doonin kulanka Middlesbrough isla Markaana ay qabaan dhaawacyo macquul ka dhagaya in aysan Cayaarin kulanka isniinta.

Goolhayaha dooqa koowaad ee Naadiga Chelsea Thibaut Courtois,ayaa uu sheegay Macalinka Chelsea in uu ku soo laabtay tababarka isla Markaana uu diyaar u yahay in uu Cayaaro kulanka adag ee ay isniinta qaabili doonaan kooxda Middlesbrough.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.