Miyey Real Madrid Aqbashay Dalabka Inter Milan Ka Gudbisey James Rodrigues

Real Madrid ayaa iska soo diiday dalab ay Inter Milan kasoo gudbisay kabtanka qaranka Colombia James Rodrigue sida uu ku waramay wargeyska AS ee kasoo baxa dalka Spain.

Xidigii hore As Monaco waxaa sidoo kale doonaya Manchester United, balse 42 Malyan oo Euro oo laga soo gudbisay Real Madrid uma cuntamin.

Wargeyska wuxuu qiray in dalab hordhac ah oo gaaraya 42 Malyan oo Euro ay soo gudbisay Inter Milan balsea aysan dooneyn iney qasaaro weyn gasho madaama ay 75 Malyan oo Euro kusoo iibsatay xagaagii 2014.

James Rodriguez wuxuu doorbidayaa inuu ku biiro Manchester United madama ay kasoo muuqaneyso Champions League.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.