Wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda iyo xidigaha kooxaha ku dhow yaa kamid ah

Kooxaha ayaa heshiiyada la furi kara xiddigaha iyo kooxohooda heshiis Afka ahna la sii meel dhigi kara laakiin saxiixa ayaan dhici karin ilaa laga gaarayo bisha July1-deeda.

Kooxda Liverpool ayaa heshiis 2 sano ah u soo bandhigtay xiddiga reer France ee Gael Clichy iyada oo ku rajo weyn in ay si xor ah ku hesho xiddigan (The Sun).

Kooxda Chelsea ayaa ku dhow goolhayaha kooxda PSG ee Alphonse Areola iyada oo doonaysa in ay ku buuxiso booskii uu ka baxay Asmir Begovic (The Sun).

Kooxda Man United ayaa u dhaqaaqaysa da,yarka reer spian ee u ciyaarakooxda Real Betis ee Roberto Gonzalez (The Sun).

Kooxda Arsenal ayaa heshiiska cusub ee Arsene Wenger ku dhawaaqi doonta maanta oo Arabaca ah xilli ay miiska u saartay lacag dhan 150 Milyan oo uu suuqa ku gali doonon (Daily Mirror).

Xiddigaha Carlos Bacca,Riyad Mahrez,Thomas Lemar,Pablo Fornals iyo Sandro Ramirez ayaa ah xiddigaha ka soo muuqday liiskiisa suuqa kala iibsiga (Daily Mirror).

Tababare Klopp ayaa ku rajo weyn in uu ka yaabiyo kooxaha Premier league oo uu maalmaha soo socda saxiixa Virgil van Dijk ku soo afjaro 50 Milyan oo euro (Daily Mirror).

Antoine Griezmann ayaa mar kale la sheegayaa in uu maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu kooxda isaga tago xagaaga xilli ay heegan gashay kooxda Man United (Daily Mirror).

Man United ayaa loo sheegay in ay miiska saarto Lacag dhan 100 Milyan hadii ay doonayso in ay hesho xiddiga reer France ee Antoine Greizmann (The Daily Telegraph).

Kooxaha Tottenham iyo Man United ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga reer Brazil ee Douglas Costa xilli xiddigan kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu boxo xagaagan (Calciomercato).

Kooxda Ac Milan ayaa loo sheegay in ay dalabkeeda kor ugu qaado lacag dhan 60 Milyan hadii ay doonayso in ay hesho weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Juventus ayaa kooxaha chelsea iyo Tottenham kaga horaysa saxiixa xiddiga lagu qiimeeyo 25 Milyan ee u ciyaara kooxda Sampdoria Patrik Schick (Calciomercato.com).

Kooxda Ac Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon Corentin Tolisso kaas oo sidoo kale diirada u saaran kooxaha Juventus,Arsenal iyo Inter Milan (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lazio ee  Keita Balde (Gazzetta dello Sport).

Goolhayihii hore ee kooxda Real Madrid ayaa loo soo bandhigay in uu si xor ah ugu biiro kooxda reer France ee PSG xilli uu bilaa koox noqon doono dhamaadka bishan (l’Equipe).

Post Comment