Hanaanka Federalka Soomaaliya Ma Danbaa Mise Dullayn (Xaqiiqda).

Dagaal kii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxa uu sababay in ay burburaan dhamaan hay’adihii dawliga ahaa sida gar soorkii, laamihii amniga, sharci dajintii iyo waaxda fulinta. Taasi waxay keentay in is aaminid la’aan ka dhex dhalato dad waynihii ku abtirsan jiray dawladdii Soomaaliya oo runtii ayaduba u burburtay kalsooni xumo awgeed.

Hadaba, shirar badan oo lagu qabtay dalka dibadiisa, xaqiiqdii, intooda badan waxa ay ku soo idlaadeen guul darro sababta ugu wayn ay ahayd in ay ka dhex jirtay ka qayb galayaasha shirka kalsooni darro oo kooxba kooxda kale ay ka tabanaysay dhibaatooyin horay u soo dhex maray kuwaas oon helin xal qoto dheer oo laga gaaro. .

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay shir socday labo sano iyo bar oo soo idlaaday sanadii 2004 oo uu ka soo baxday dawlad ku dhisan qaabka dawlad nimo ee loo yaqaan dawlad-wadaag (Federalsm).

Hadaba, sua’alaha iswaydiinta mudan ayaa ah waa maxay faa’iidada ugu jirtaa Soomaaliya habkaan awood wadaagga ah (Federalsm)? Waa maxay dhibaatada ka soo gaari karta haddii qaab siyaasadeed kaan laga hir galiyo wadan ka? Waa maxay sababaha keena in wadan uu qaato nidaamka Federalism? Waa maxay faa’iidooyinka uu leeyahay Federalism? Jawaabaha su’aalahaan ayaan ku falaqayn doonaa maqaalkaan.

Ugu horayn, waxaa haboon in aan ka jawaabno su’asha ah waa maxay Federalsm? habka Federalism waa hab maamuleed u dhigma sida tan; dalka waxaa ka jira dawlad dhexe oo leh awoodo kooban oo u gaar ah sida difaaca dalka, passpor-tiga, ku dhawaaaqidda xaalad dagaal oo dalku galaayo, siyaasadda arimaha dibadda, lacagta, iwm iyo maamul goboleedyo leh, dhankooda, awood u gaar ah sida wax barashada, ganacsiga, horumarinta bulshada iwm, waxaa sidoo kale jirto awoodo ay wadaagaan sida canshuur qaadista, maxkamadaha, iwm.

Sababaha wadamadu u qaataan ayaa ka mid ah in bulshada dalkaas ku nool ay tahay mid ku kala gadisan dhaqanka, diinta ama isirka iyo dalka dawladiisii burburtay dibna loo soo celiwaayay mar kale ayadoo la adeegsanaayo qaab maamuleedyada kale, markii dalku uu yahay mid aad u weyn oo adeegga dawladda uu gaari waayay dadweynaha.

Marka xega, si aan wax dheeraad ah uga fahanno sababaha wadamadu ay u qaataan nidaamka federal ka waa in sababaha aan kor ku soo xusnay midmid isku dul taagnaa.

Isir, dhaqan iyo diin kala duwanaashaha

Sida aan kor ku soo xusnayba, kala duwanaanshaha dhaqanka waa mid ka mid ah sababaha uu dal ku noqdo Federal. Kala duwanaanshaha dhaqanku waa mid ka yimaada kala badalnaanshaha isirka dadka. Aan tusaale u soo qaado Ethiopia oon daris nahay, dal kala isir duwanaanta awgeed u noqday Federal.
Ethiopia waxa ay ka kooban tahay 80 qoomiyadood oo isir, dhaqan iyo diin ku kala duwan. Sanadii 1991 ayay qaadatay Ethiopia habsiyaasadeedka Federalism ka, ka dib markii ay isku yimaadeen dhamaan dhaqdhaqaaqyadii ka jiray dalka ee ka soo horjeeday nidaamkii milatari ee uu hogaaminaayay Colonel Mangistu Haile Mariam. Xaqiiqdii waxa keenay in ay Ethiopia qaadato nidaamka federal ka ah waxa ay ahaayeen (sida ku cad daraasad lagu daabacay Aigaforum):

1- Ayadoo loo arkaayay in ay tahay wadada kaliya ugu wanaagsan oo lagu saxi karo dhibaatooyinkii uu gaystay nidaamkii hore ee Colonel Mangistu Haile Mariam.

2- In la helo daganaansho gudaha Ethiopia iyo guud ahaan geeska afrika waayo waqtigaa labada dhinac waxaa dalka Ethiopia ka jiray laba wadan oo dagaal ka oogan yahay waana soomaaliya oo dagaal sikeye ka socday dawladdii dhexena ay meesha ka baxday iyo dalka Sudan oo asna uu ka jiray dagaal ka dhexeeya waqooyiga iyo konfurta dalkaas taas oo keentay in mandiqadda geeska Africa oo dhan uu dagaal ka holcayay.

3- Ayadoo loo arkayay in uu keeni karo habkaan cusub ee Federalka in qaab ay kuwada noolaan karaan qoomiyadaha wadankaas oo garaya ilaa 80 qoomiyadood.

Hadaba, haddii aan eegno dalka Ethiopia maanta waxaan aragnaa in uu ku guul gaaray uuna xaqiijiyay in badan oo ka mid ah adeega dawladda ay ku gaarsiisay bulshada ku abtirsada dalkaas.

Dagaalka sokeeye iyo federalism

Wadamada ay ka qarxaan dagaalada sokeeye waxaa badanaa ka dhasha in ay lunto kalsoonida u dhaxaysa dhinacyada dagaalamaya taas oo keenta in uu dhamaan wadanku burburo. Tusaala ahaan aan u soo qaadanno United states of America wadan dagaal sokeeya ka dhacay oo doortay habka Federalism ka si uu xaliyo dhibaatadii ka soo wajahday kalsooni darada ka dhex jirtay dhinacyada dagaalamayay. USA markii hore waxay ahayd wadan ah federal laakiin sanadihii 1861 ayaa toban iyo kow (11) gobol oo ka mid ah goboladii koonfureed ay kalsoonidii kala noqdeen midawgii dalka intiisii kale ayagoo ka cabanaya in dawladdii dhexe ay awood dheeraad ah samaysanayaa balse goboladii waqooyi waxay is tuseen in aan wadanka lakala goyn karin halkaasna waxaa ka dhashay dagaalkii sokeeye oo muddo shan sano ah (1861-1865) kadib waxa lagu heshiiyay in wadanka uu ahaado federalkiisa.

Baahsanaanta dawladda

Baahidda dawladda waxaan kala jeednaa in dawladdu ay tahay dawlad aad u wayn oo bulshadeeduna aad u badantahay taas oo keenta in ay suurta gal noqon weyso in adeegeedu kala gaari waayo ama ka soo daaho haddii ay awooddu ku koobantahay oo kaliya dawladda dhexe. Xaalaaan oo kale dawladda waxaa u fiican in ay qaadato nidaamka federaalkasay u gaarsiiso adeega dhammaan muwadiniinteeda ayadoo awoodda inta badan u soo dajinayso maalka gobolada. Tusaale aan u soo qaadanno wadanka India. India waa dal aad u wayn oo baaxaddiisu gaarayso 3,287,263 km2 bulshadiisuna waa 1,310,069,000 (2017).

Haddii aan eegno baaxadda dalka iyo tirada dadweynaha ku nool waxaa adkaanaysa in adeegeeda ay gaarsiiso bulshada ku nool baaxadda intaa la eg. Tusaale, haddii uu muwaadin ku nool gobolka ugu koonfureeya iee dalka in uu dawladda dhexe la xiriiro, waxaa laga yaabaa in qadyaddiisu qaadato dhowr bilood ama dhowr sano ama aan waxba laga qaban taas keenaysa dib u dhac aad u weyn.

Tani wa midda ugu weyn oo uu dalka India u qaatay nidaamka Federalism ka. Hadaba, haddii aan si qoto dheer u fiirino sababaha kor ku xusan, waxaa muuqata in sababta ay soomaaliya u qaadatay hab siyaasadeedkaan ay tahay sababta dhexe waayo bulshada soomaaliyeed waa isku diin, isku dhaqan iyo isku isir balse dagaaladii sokeeye ee dalka aafeeyay ayaa keenay in is aamin daro baahsan ay dhacdo taasoo keentay in bulshadu dawlad dhexe oo awooda dhamaan gacanta ugu jirto ay kuheshiin wayso.

Dhanka kale, waxaa jira aragti qabta in qaabkaan federalism ka ah uu yahay qaab sababi kara iska hor imaad dheeraad ah oo u dhaxeeya bulshada dagan gobolada dalka eek ala duwan, waayo haddii aad dhab ugu fiirsato qaabka uu u dhacay dagaalkii sokeeye, waxaa kuu soo baxaaya in uu ku salaysnaa qabiilnimo taas oo keentay in kalsooni darrada ay noqoto mid ka dhacda qabaa’ilka dhexdooda, qabiilooyinkuna malahan soohdin u gaar ah oo kaal saara nidaam maamulidda, qabiil kastana waxa uu dagaa in ka badan hal gobol. Tan waxa ay kenaysaa in ay jiraan qabaa’il ku xoogan gobol ay mid kale ku yaryihiin amah al qabiil uu u kala jabo dhowr gobol taas uu ka dhigaysa in uu ka noqdo dhowrka gobolba in laga tiro bato, amabasa uu jiro qabiil asagu sidiidsa uh mid looga tira badanyahay deegaankiisa taas oo keenta in uu raadiyo dhul cusub oo uu hanto si uu ugu gorgortamo sida ka dhaday meela badan oo ka mid ah gobolka gal gaduud sida Bacaad weyn, Galkacyo iyo gobilka hiiraan iyo shabeelaha hoose. Dhamaan dagaaladaas waa kuwo ku salaysnaa dhul uuna sababay nidaamka cusub ee federal ka sida ay qabaan aragtiyadaas. Hadaba sidee loo maarayn karaa qilaafaatkaas ka dhashay nudaamka cusub?

Dhanka kale, aragtidaan waxa ay ku doodaysaa in qaabka ay u dhisantahay dawladda hadda jirta uu yahay mid aan ku haboonayn nidaamka Federalka sababtuna waa in uu yahay nidaamka hadda jira madaxwayne awood badan iyo ra’isul wasaare la siman dhanka awoodda oo uusan xitaa la xisaabtami Karin, waayo waxa uu matalaaa qabaa’il nidaamkaan oo u muuqda mid aan ahayn mid Madaxeed (repuplic) ah ama ra’isul wasaaradeed (parlmenterian). Hadaba, meesha waxaa kaaga muuqanaya madaxwayne, ra’isul wasaare iyo maamul gobleedyo intuba awood wada leeyihiin oo rumaynaaya maahmaahdii Soomaaliyeed ee oranaysay dharigii fara bata waa fuud qaraaraadaa.

Si kastaba ha ahaatee, haddii aad si dhab ah ugu fiirsato caqabadda hore, waxaa kuu soo baxaaya in dhibku ka jiro qaabka loo qaybsanaayo xubnaha matalaaya dhamaan bulshada hoos imaanaysa maamul goboleed kaas, sababtuna waxay tahay haddii uu dhaco habka hal qof iyo hal cod, oo ah kan ay ku taamayso bulshada Soomaaliyeed, qabaa’ilka laga tirada badanyahay waxa ay aaminsanyihiin in aysan ka heli doonin wax matalaad ah dawlad goboleedka maadaama uu qof kasta u ololaynayo una codaynayo siyaasiga ka soo jeeda qabiilkiisa taas oo meesha ka saaraysa kalsoonidii ay ku qabi lahaayeen maamulkaas.

Sida muuqata xalka waxa uu ku jiraa, aragtidayda, in dhismaha maamulka laga soo bilaabo toolooyinka ay bulshadu wada dagto oo ay u qaybsadaan xubnaha matalaya tuuladaas qaab ay raali ku yihiin ayagoo ku salaynaya sida loo wada daganyahay oon qolana laga tagayn, kadib la dhiso xubnaha matalaya heer dagmo ayadoo loo marayo wadadii lagu soo dhisay heerka tuulo, intaa kagadaalna la dhiso maamulkii matali lahaa heerka gobol ayadoo la isticmaalayo qaab dhismeedkii aan kor ku soo xusnay ka dibna lagu idleeyo yagleelidda maamul goboleed ay iska dhex arkaan dhamaan bulshada uu matalayo maamul goboleedkaas.

Dhanka kale, caqabadda labaad, oo ah isla jaan qaadista hab maamuleedka hadda jira iyo Federalism ka, waxaa lagu soo koobi karaa xalkeeda, saan u arko, laba mid kood;

• Tan kowaad oo ah in meesha laga saaro ra’isul wasaaraha loona wareejiyo maamulka dalka hab siyaasadeedka madaxwayne tusaala waxaa u ah qaabkaan wadanka Maraykanka ama kan uu hadda u wareegay dalka Turky ga.

• Xalka labaad ayaa ah in laga dhigo dalka qaab siyaasadeedka ku dhisan ra’isul wasaare awood leh iyo madaxweyne sharafeed sida wadamada India, Ethopia iyo Isra’el. Waxaa laga yaabaa in la wajaho caqabada ka yimaada u guuritaanka nidaamka cusub oo ka imaanaya dhanka bulshada oon horay u soo marin mid ka mid ah nidaamyadaan iyo dhanka maamulka dhexe ee dalka oon u diyaarsanayn la qabsiga habkaan cusub. Waxa uu ku jiraa xalka caqabadahaan in la hormariyo siyaasado beegsanayaaya dhisidda garsoor madax banaan oo dhamaan bulshada ay ku kalsoontahay, in la sameeyo dib u habayn deg deg ah oo ku aadan dastuurka dalka iyo hirgalinta nidaamka axsaabta badan iyo ugu dambaynta wacyi galinta bulshada ee ku wajahan hayaanka cusub.

Dhanka kale, waxaa laga yaabaa in uu ku andacoodu qaar kale in ra’isul wasaaraha uu matalo qabiil, madaxweynuhuna matalo qoys kale oon mid koodna laga taqalusi kari. Taas waxaan uga jawaabayaa haddii la hormariyo maamul goboleedyada oo laga dhigo kuwa sidii la rabay u shaqaynaya waxaa laga maarmayaa nidaamka aan qornayn ee soomaalidu awoodda ku qaybsato oo runtii aan u arko in ay dulmi u dhisantaha.nidamkaas oo ah in madaxweynaha qoys qaato, qoysna ra’isul wasaaraha iyo gudoomiyaha maxkamadda sare, qoys kalana la siiyo gudoomiyaha baarlamaanka.

Dhanka kale, faaiidooyinka uu leeyahay nidaamkaan waxaa ka mid ah in adeegga dawladdu uu u gaaro dadweynaha haddii ay maamullada goboladu ay ka shaqeeyaan sida ay ugu adeegi lahaayeen muwaadinka soomaaliyeed ee aysan u hanqal taagin in ay noqdaan kuwa maamula dhamaan dalkoo dhan oo aysan ku andacoon talada dalka nala kama qayb galin ayagoon intii ay u talinayeen aysan wax muuqda ka qaban iyo in ay ku hanjabaan maalin walba kalsoonida iyo wada shaqaynta waan kala noqonaynaa dawadda dhexe taas oo kalsooni xumo ku ridday muwaadinka soo maaliyeed oo ay u muuqato in meesha uu ka filaayay madaxdiisa aysan ka soo muuqan ee ay wataan dana ayaga u gaar ah iyo agendooyin shisheeye oo ay markasta u kala tartamayaan wadama shisheeye sidii in ay yihiin wazaaraddii arrimaha dibadda ama madax weynihii dalka. Sidoo kale faa’iidooyinka uu leeyahay waxaa ka mid in ay kobocdo kalsoonida u dhaxaysa dadwynaha ama dhinacyadii ku heshiiyay nidaamkaan maadaama uu dhinac kasta uu maamulayo dadweynihii uu matalayay.

Iskusoo wada duuboo, habka dawlad wadaaga (Federalism) waa qaab loo arkay in lagu xalin karo mushkiladda ka aloosan dalka Soomaaliya oo in ka badan rubuc qarni jirsatay. Kaliya waxa uu xal noqon karaa nidaamkaan haddii sida uu yahay ama loogu heshiiyay loo hir galiyo ayadoo la ixtiraamaayo awood qaybsiga u dhaxeeyo maamulada gobolada iyo dawladda dhexe waana waana in aan loo isticmaalin qaab kala goyn wadan ka oo maamul kasta uusan isku arkin mid ka madax banana dawladda uuna u dhaafo awoodaha uu siinaayo dastuurka sida arimaha dibadda, amaanka, lacagta, baasaboorka iyo wixii la mid ah, hab siyaasadeed kaan cusubina waa mid dunida laga isicmaalo oo maahan mid Soomaaliya hadda bilaabayso.

W/Q Eng C/laahi yuusuf

Post Comment