WAR DEG-DEG AH: Tababaraha Arsenal oo ku dhawaaqay go’aankii ugu cuslaa ee laga sugayay iyo niyad jab xoogan oo ku yimid……

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa shalay saxiixay heshiis cusub oo uu laba sano oo kale ku sii joogayo Emarites Stadium kadib markii uu shir adag la qaatay mulkiilayaasha iyo maamulka sarre ee kooxdiisa wuxuuna kalsooni ka helay boodhka kooxdiisa Arsenal iyada oo heshiiskiisa si rasmi ah loo shaacin doono.Arsenal ayaana maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiskiisa cusub.

Haddaba markii uu Arsene Wenger xaqiijistay in uu wali mustaqbal ku sii leeyahay kooxda uu muddada rubuc qarniga ku dhaw soo maamulayay ayuu doonayaa in uu xagaagan sameeyo saxiixyo muhiim ah oo ay kooxdiisu kaga soo kabsan karto xaalada xun ee ay xili ciyaareedkan kaga soo jirtay Premier Leaque-ga.

Sida uu wargayska Mirror ku waramay Arsene Wenger ayaa doonaya in uu la soo saxiixdo ciyaartoyda kala ah Carlos Bacca oo AC Milan ka tirsan isla markaana xiliyadii la soo dhaafay lala xidhiidhinayay kooxaha Premier Leaque, waxaana sidoo kale Arsenal laga doonayaa xidiga kooxda Monaco ee Thomas Lemar kaas oo ayna Arsenal kali ku ahayn balse ay jiraan kooxo kale oo ku loolamayaa

Wararka ayaa sheegaya in Arsenal ay bishii January ku fashilantay in ay AC Milan kala soo wareegto gool dhaliyaha ay hadda doonayso ee  Carlos Bacca balse iyada oo Milan doonaysa in ay isbadal wayn kooxdeeda ku samayso ayaa la filayaa in Gunners ay fursad u heli karto saxiixa Bacca.

arsene-wenger

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.