Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qoreen Wargaysyada Caalamku ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada

Kooxda chelsea oo wadahadalo kula jirta xiddiga khadka dhexe ee kooxda monaco Tiemoue Bakayoko taas oo albaabka ka sii saaray xiddiga jooga dheer ee Nemanja Matic oo laga yaabo in uu jose mourinho kula biiro man United (The Sun).

Kooxda Man City ayaa mar kale lacag waali ah uga soo adeegan doonta kooxda Monaco iyada oo ku dhow xiddiga daafaca uga ciyaara ee Benjamin Mendy sida ay xaqiijiyeen qoyska xiddigan (The Sun).

Kooxda Everton ayaa ku dhow dhamaystirka saxiixa xiddigii hore ee daafaca uga ciyaari jiray kooxda Southampton ee Cuco Martina (The Sun).

Jose Mourinho ayaa suuqa dhigay weeraryahanka reer France ee Anthony Martial si uu boos ugu helo xiddigaha cusub ee kooxda ku soo biiri doona (The Sun).

Tababare Antonio Conte ayaa doonaya in uu amaah ku fasaxo xiddiga kooxdiisa daafaca uga ciyaara ee Kurt Zouma xilli kooxda Marseille tahay mida ugu cad-cad saxiixiisa (The Sun).

Xiddigaha Arsenal ee Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil ayaa ku midoobay in ay Arsenal ku qasbaan in miiska loo saaro mushahar waali ah si ay u sii joogaan kooxda (Daily Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic ayaa qarka u saaran in uu jose Mourinho u raaco kooxda Man United si uu mar kale ula shaqeeyo tababaraha reer Portugal (Daily Mirror).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leiceter city ee Riyad Mahrez ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay dhimaan lacagaha lagu heli karo adeegiisa si uu kooxda horay uga tago (Daily Mirror).

Kooxda Man City ayaa xooga saaraysa in ay sii wado kharash garaynta 250 Milyan oo euro taas oo la siiyay tababare Guardiola si uu kooxda ugu diyaariyo xilli ciyaareedka dambe (Daily Mail).

Kooxda chelsea ayaa ka war-war qabta in ay Kooxda Barcelona u weydo xiddiga daafaca uga ciyaara ee Cesar Azpilicueta inkasta oo uu xiddigu iska fogeeyay u dhaqaaqista kooxdaas (Daily Mail).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezman ayaa ku war galiyay kooxdiisa in uu doonayo in uu boxo sidoo kale United ayaa isku diyaarinaysa in ay la kulanto lacagta lagu heli karo adeegiisa oo dhan 87 Milyan euro (Daily Telegraph).

Kooxda Man United dalab Rasmi ah ka gudbisay weeraryahanka aadka loo qiimeeyo ee u ciyaara kooxda Monaco ee Kylian Mbappe (L’Equipe and Canal+).

Kooxda Inter Milan ayaa ku biirtay baacsiga loogu jiro xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Torino ee Andrea Belotti (Tuttosport).

Xiddig yaraha laga yaabanyahay ee weerarka uga ciyaara kooxda Monaco Kylian Mbappe ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid xilli uu dalab ka haysto kooxda Man City (Marca).

Kooxda Liverpool oo beenisay in ay heshiis 2 sano ah hor dhigtay xiddiga xorta ah ee ka tagay kooxda Man city ee Gael Clichy (The Sun).

Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo la furtay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Cesar Azpilicueta xilli uu Tababare Ernesto Valverde doonayo in uu ka dhigo saxiixiisii ugu horeeyay ee xagaaga (Sport).

Post Comment