Alexis Sanchez → Bayern Munich, Riyad Mahrez → Arsenal, Diego Costa → Atletico Madrid Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qoreen Wargaysyada Caalamku

 

 

Kooxaha ayaa heshiiyada la furi kara xiddigaha iyo kooxohooda heshiis Afka ahna la sii meel dhigi kara laakiin saxiixa ayaan dhici karin ilaa laga gaarayo bisha July1-deeda.

Kooxda Bayern Munich ayaa ku kalsoon In ay heli doonto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez (Daily Mirror).

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa qirtay in uu xiisaynayo in uu xagaaga u dhaqaaqo adeega xiddiga garabka uga ciyaara Kooxda Leiceter city ee Riyad Mahrez (Daily Mirror).

Xiddiga diirada u saaran Kooxda Man United ee Victor Lindelof ayaa shaaca ka qaaday in uu diirada saarayo Kooxdiisa Benfica inkasta oo uu xiiso waali ah ka helayo Man United (Daily Mirror).

Kooxda Atletico Madrid ayaa ku dhow in ay heshiis la sii meel dhigto weeraryahanka kooxda Chelsea ee Diego Costa si ay ula wareegto suuqa kala iibsigabisha January ee 2018 (The Sun).

Kooxda Arsenal ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Arda Turan kadib markii Tababaraha cusub ee Kooxda Barcelona Ernesto Valverde u sheegay In uu bixi karo xagaaga (The Sun).

Kooxda Chelsea oo ka niyad jabtay baacisga xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko ayaa lagu soo waramayaa in ay dareenkeeda u jeedisay soo qaadashada xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon Corentin Tolisso (The Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco Thomas Lemar ayaa lagus soo waramayaa in uu diyaar u yahay ku biirista Arsenal inkasta oo ay ka hartay champions League xilli ciyaareedka dambe (The Sun).

Kooxaha Liverpool,Juventus iyo Roma ayaa dhamaantood Kooxda Barcelona Wax ka weydiiyay Helitaanka xidiga khadka dhexe ee Rafinha (Daily Express).

Kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga daafaca bidix uga ciyaara kooxda Napoli ee Faouzi Ghoulam (Il Mattino).

Mohamed Salah iyo Radja Nainggolan ayaa isaga caraabay kooxda Roma xilli Salah dhamaystiri doono ku biiristiisa Liverpool saacaha soo socda (Corriere dello Sport).

Kooxda Inter Milan ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay weeraryahanka kooxda Lazio ee Keita Balde laakiin waxa ku ciriirinaysa kooxda Liverpool (Calciomercato.com).

Arsenal ayaa ogolaatay in weeraryahankeeda reer Spain ee Lucas Perez ka iibiso kooxda Sevilla sida ay sheegayaan wararku (Don Balon).

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.