Leonardo Bonucci → Real Madrid, Alvaro Morata → Chelsea, Pierre-Emerick Aubameyang → Arsenal Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee suuqa

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid Alvaro Morata ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Chelsea (Daily Star).

Kooxda Barcelona ayaa diyaarinaysa dalab Dhan 44 Milyan iyada oo ka gudbin doonta xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin (Daily Star).

Kooxda Arsenal ayaa dareenkooda u jeediyay weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang xilli ay ka cabsi qabaan in ay waayaan Alexis Sanchez (Daily Star).

Kooxda Real Madrid ayaa dareenkeeda u jeedisay Soo xero galinta Goolhayaha kooxda chelsea ee Thibaut Courtois kadib markii ay ka daashay baacsiga David Dea Gea (Daily Star).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa sheegay in aanu meelna uga socon kooxda Real Madrid xilli uu xiiso ka helayo kooxda Man United (Daily Mirror).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Roma ee Mohamed Salah Ayaa ku sii dhowaanaya ku biiritiisa Liverpool kadib markii Reds Miiska saartay lacag dhan 40 Milyan (Daily Mirror).

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay laba jibaari doonto dadaalkeeda ay ku doonayso xiddiga Gareth Bale iyada oo diyaar u ah in miiska saarto lacag dhan 100 Milyan (MEN).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea Enden Hazard ayaa sheegay in uu ka fiirsan doono dalka ay kooxda Real Madrid ku doonayso adeegiisa (SkySports).

Kooxda Valencia ayaa lagu soo waramayaa in ay maalmaha yar ee soo socda dalab rasmi ah oo dhan 30 Milyan ka soo gudbin doonto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda man United ee Ander Herrera (Daily Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci (MARCA).

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.