DEG-DEG: Isku Aadka Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedka 2017/2018 Oo Lasoo Saaray, Yaase Ciyaari Doona Isbuuca Koowaad?

Isku aadka Horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2017/2018 ayaa lasoo saaray – maamulka horyaalka ayaana gabi ahaanba min bilow ilaa dhamaad soo saaray.

Kulanka ugu xiisaha badan maalinta koowaad waa midka dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Leicester markaas oo wiilasha Foxes ay soo booqan doonaan garoonka Emirates Stadium iyo wajiyada cusub ee la filayo iney Gunners yimaadaan.

Difaacdayaasha horyaalka Premier League waxey kulankooda furitaanka la ciyaari doonaan Burnley, halka Jose Mourinho kulankiisa ugu horeeya uu Old Trafford kusoo dhaweyn doono West Ham United.

Tottenham Hotspur waxey maalinteeda koowaad booqan doontaa St James Park iyo macalin Rafael Benitez oo dib ugu soo celiyay Newcastle United horyaalka Premier League.

Jurgen Klopp iyo wiilashiisa waxey u safri donaan Watford halka Pep Guardiola iyo ciidankiisa ay aadi doonaan kooxda soo dalacday ee Brighton and Hove Albion.

KULAMADA ISBUUCA KOOWAAD:

12/08/2017 15:00 Arsenal v Leicester City

12/08/2017 15:00 Brighton and Hove Albion v Manchester City

12/08/2017 15:00 Chelsea v Burnley

12/08/2017 15:00 Crystal Palace v Huddersfield Town

12/08/2017 15:00 Everton v Stoke City

12/08/2017 15:00 Manchester United v West Ham United

12/08/2017 15:00 Newcastle United v Tottenham Hotspur

12/08/2017 15:00 Southampton v Swansea City

12/08/2017 15:00 Watford v Liverpool

12/08/2017 15:00 West Bromwich Albion v Bournemouth

Post Comment