UEFA oo ku dhawaaqday shan abaal marinood oo cusub oo ay bixin doonto iyo qaabkay u shaqeeyaan

UEFA ayaa ku dhawaaqday inay bixineyso shan abaalmarin oo cusub oo la gudoonsiinayo ciyaartoyda ugu fiican tartamada UEFA eee xilli ciyaareed walba. Abaalmarinadaan waxaa la bixin doonaa marka la bixinayo abaalmarinta sannadlaha ee Xiddiga Sannadka Qaarada Yurub Ee UEFA oo la bixiyo dhamaadka bisha Agoosto.

Abaalmarinada cusub ee hoos ku qoran waxaa la bixin doonaa marka la qabanayo isku aadka wareega group-yada Champions League 24ka bisha Agoosto.

Goolhayihii ugu fiicnaa Champions League xilli ciyaareedkii 2016-17

Daaficii ugu fiicnaa Champions League xilli ciyaareedkii 2016-17

Xiddigii khadka dhexe ee ugu fiicnaa Champions League xilli ciyaareedkii 2016-17

Weeraryahankii ugu fiicnaa Champions League xilli ciyaareedkii 2016-17

Abaalmarinta hoose iyadana waxaa la bixi doonaa marka la qabanayo isku aadka wareega group-yada Europa League 25ka bisha Agoosto:

Xiddigii ugu fiicnaa Europa League xilli ciyaareedkii 2016-17

Sida ay u shaqeyso codeynta

Gudida u codeyneysa abaalmarinadaan waxa ay ka koobnaan doonaan tababarayaasha kooxihii ka qeyb galay wareega group-yada Champions League iyo Europa League ee xilli ciyaareedkii 2016-17 iyo weliba 556 joornaaliiste oo ka socda ururka European Sports Media iyadoo joornaaliiste walba uu matalaya xubnaha xiriirka kubada cagta Yurub. Tababarayaasha looma ogola inay u codeeyaan ciyaartoyda kooxahooda.

Xiddigaha u sharaxan abaalmarinada Champions League iyo abaalmarinta Europa League waxaa la shaacin doonaa 4ta bisha Agoosto. Si la mid ah seddexda ciyaaryahan ee u sharaxan abaalmarinta xiddiga sannadka Uefa ee ragga iyo hablaha.

Abaalmarinta Madaxweynaha UEFA

Finally, abaalmarimya Madaxweynaha UEFA ee 2017 waxaa magaalada Monaco lagu gudoon siin doonaa Francesco Totti iyadoo la aqonsanayo waayihii ciyaareed ee cajiibka ah ee soo maray xiddiga Talyaaniga.

Post Comment