Tababare Antonio Conte oo heshiiska u kordhinaya kooxdiisa Chelsea.

Tababare Antonio Conte ayaa ogolaaday inuu saxiixo heshiis cusub oo sanadkii uu ku qaadan doono aduun dhan 9.5 Malyan oo Pound kadib markii uu helay balan qaad ku aadan in loo hirgalin doono saxiixyada uu bartilmaameedsaday.

Agaasimaha Chelsea Marina Granovskaia ayaa u muuqda inuu si hoose usoo afjaray khilaafaadkii jiray isagoo Conte ka dhaadhiciyay inuu saxiixo heshiis cusub, balse waxaa ku xiran shuruud ah in loo hirgalin doono dhamaan balanqaadyada loo sameeyay.

Antonio Conte wuxuu noqon doonaa 7-aad ee ugu mushaarka badan ee dunida iyo kan sadexaad ee Premier League madama uu ogolaaday heshiiska, waxeyna ka dhigan tahay in tababaraha reer Talyaani uu Stamford Bridge kusii sugnaan doono ilaa June 2021.

Post Comment