DEG DEG-Gudoomiye ku-xigeenka barlamaanka oo digniin u diray warbaahinta iyo cidkasta oo..

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in la xerayo sidoo kalena dacwad loo qabsanayo cidii Warar been ah ka sheegta Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Mudane Mahad Cabdalle Cawad ayaa waxa uu sheegay in hada ka dib aysan aqbali doonin in la iska dacaayadeeyo Xildhibaanada Qaranka.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Cadaalada laga wada shaqeeyo oo si isku mid ah ah loo dacweeyo loona ganaaxo Masuuliyiinta dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed hadii ay dambi ka galaan Xildhibaanada Qaranka.

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan waxyaabo qalad weyn ah oo  maalin kasta ay galaan dadka balse aan lagu ciqaabin, waxa uu xusay in ay ku dadaalayaan sidii loo ciqaabi lahaa dadka mar walbo dacaayadaha ka faafiya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Nuh says:

    Waan kugu raacsanahy Mudane waayoo Qoladan Saxaafada isku sheegayaa indooda badan uma muuqaan dad taba baran habka ey wax u soo qorayaan. Waxa ay maqlaan Saxaafadu waa xur laakin xurnimadu ma ahan in ey soo qoraan wax an jirin ama an waafaqsaneyn Sharciga Wadanka




.

.