WAR DEG DEG AH-Madaxweyne Gaas oo saaka ka soo baxay madaxtooyada kuna wajahan buurta.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay ka soo laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa lafilayaa inuu saaka magaalada Garoowe xariga kaga jaro dhismaha cusub ee wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland.

Xaruntaani oo qayb ka ah mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda ayaa dhismeheedu socdey muddo dhowr bilood ah, waxaana lafilayaa inay goob joog ka ahaadaan madaxda wasaaradda iyo mas’uuliyiinta kala duwan.

Dhismahaani cusub ayaa waxa uu ku biiri doonaa wasaarado badan oo horay xarumo uga dhistay halka looyaqaan buurta ee waqooyiga magaalada Garoowe.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.