WAR DEG DEG AH-Ciidanka Puntland iyo Soomaliland oo caawa kaabiga isku haya iyo guutooyin ciidan ah oo Soomaaliland u dirtay gobolka

Sida ay sheegayaan wararka nooga imanaya magaalooyinka Laascaaanood iyo Ceerigaabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ee ku sugan jiiddaha hore ee deegaanada gobolada Bariga Somaliland ay heegan culus galeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamadan heeganka culus galay ay dareemayaan dhaq-dhaqaaq ay bilaabeen ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland oo il gaar ah kuhaya xuduudka iyo sanaadiiqda doorashada maamulka Hargeysa.

Xogaha ay warbaahintu heleyso ayaa sheegaya in xalay ay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ay ka baxeen dhawr guuto oo ciidamada Somaliland ah oo hurinaya xiisadda gobolka.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Nuh says:

    WAR HOY HOY CACLIGU HA SHAQEEYO!

    DADKA DANAHA GAARKA AH WALIGOODBA FULIYA OO MAGACYO KALA DUWAN U BIXIYEY DEEGAAMADA IYO DADKA SOOMAALIYEED 30 SANO AYEY HBEEN IYO MAALIN DAAWANAYEEN OO KU FARXAYEEN LACAGNA KU QAADANAYEEN WIIL IYO GABAR SOOMAALIYEED OO DHIMANAYA INAGANA KA SOOMAALI AHAAN ILAA IMINKA WAAN FAHMI LA-NAHAY. WAR KAN ISKA HOR IMAADKA ABUURAYA GARANAY OO KOR BAAN KU SOO XUSNAY EE KAN LOO DIRAYO IN UU WIIL WALAALKII AH AMA GABAR WALAASHII AH SOO DILO ISAGUNA MA GARAN WAAYEY IN UU IS WEYDIIYO WAR 30 SANO KA HOR WALIGEY MA ANAN MAQAL PUNTLAND IYO SOMALILAND WAR DHAMAANTEEN MIYYNAAN AEAHEY DAD SOOMAALIYEED OO WALAALO AH WAA MAXAY WAXAAN INALAGA DHAA-DHICINAYAA?




.

.