WAR DEG DEG AH-Maamulka Soomaaliland oo xabsiga u taxaabay goor dhoweyd…

Taliyaha Laanta Socdalka Gobolka Sanaag ee Soomaaliland Gashaanle Siciid Cige Maxamed ayaa sheegay in ciidanka laanta socdaalka ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro ka soo tahriibtay gobolada Somaliland oo doonayay In ay u dhafaan magaalada boosaaso.

Taliyaha ayaa sheegay in  ciidanku gacan bir ah ku qaban doonaan cidkasta oo isku Dayday in ay tahriib kudhaafto gobolka,waxaana uu sheegay in ciidan ku filan gobolka oo ilaalin kara isku socodka ay ku sugan yihiin.

“Ciidanka Laanta socdaalka somaliland waxa uu maamulaa cidkasta oo waddanka sharci darro ku soogalaysa iyo cidkasta oo waddanka sharci darro ku joogta,waxaana ay ciidanku ka hawl galaan bariga sida xuduudaha,kaantarooladda iyo waliba Eriboodka,waxaanan u xilsaaranahay Sugida Soo Galootiga”, ayuu yiri Taliyaha Laanta Socdalka Gobolka Sanaag Gashaanle Siciid Cige Maxamed

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Sanaag ayaa ka warbixiyay saddexdii bilood ee ugudanbeeyay hawl-galadda ay ka bilaabeen gobolka tirade dadka tahriibaya ee ay soo qab-qabteen ,wuxuuna sheegay in dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay la qab-qabtay dhalinyaro doonaysa in ay u gudbana dhanka Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari si ay halkaas kaga sii Tahriibaan.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.