WAR DEG AH-Kalfadhigii barlamaanka Soomaaliya oo maanta xasaasi ahaa iyo halis xildhibaanada barlamaanka hadda..

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa maanta shir gudoomin doona kulanka golaha baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo in lameelmariyo Miisaaniyada 6-da bilood ee nagu soo aadan ay ku shaqeyn doonto Xukuumada Faderaalka iyo In kale, taas oo ay ka taagan tahay dood iyo falanqeyn adag oo xasaasi ah.

Galinka hore ayaa lafilayaa in ay hadlaan Mudanayaal baarlamaaan oo isku diwaangaliyey sidii ay u jeedin lahaayeen aragtidooda shaqsiga ah, ee ay ka qabaan Miisaaniyada hadda la horkeenay, waxaana ka dib la galin doona codka meelmarinta Miisaaniyaddan.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay jiraan Xildhibaano Huwan ah oo doonaya in ay afka ciidda u daraan Miisaaniyadan, kuwaas oo ka eegaya qaabka qabaa’ilka iyo sidda dawlad gobaleedyada lacagaha loogu qeybiyey.

Post Comment