WAR DEG DEG AH-Magaalada Galkacyo oo waji kale yeelanaysa iyo Puntland iyo Galmudug oo ciidankii ugu badnaa maanta..

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo Tababar uga Furay Ciidamo Isku Dhaf ah oo la doonayo in ay ka shaqeyaan Nabadda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug islamarkaana ay ku soo laab laabteen Dagaalo soo noq noqday.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cameey iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Tababarka loogu furay Ciidamada isku-dhafka ah.

Arrintaan ayaa ka dambeysay Heshiiskii Labada Madaxweyne Ee Galmudug iyo Puntland ay ku gaareen Magaalada Cadaado,Caleemasaarkii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Post Comment