WARARKII UGU DAMBEEYEY-Alshabaab iyo ciidanka difaaca oo xalay dagaal ku dhexmaray duleedka…

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya, kuwa AMISOM iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in habeenkii xalay ahaa ay ku dagaalameen deegaanka Labmar 50 ee Gobolkaas.

Dagaalka oo ku bilowday Madaafiic ayaa la sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Labmar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose, intaas kadib waxa xigey dagaal toos ahaa oo dhaxmaray Ciidamada Dowadda Soomaliya iyo Kuwa Al-shabaab.

Goob Joogayaal ku sugan deegaanka NO-50 ayaa sheegay in ay maqleen jugta madaafiic iyo rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen ciidamada Midowga Afrika AMISOM iyo kuwa Al-shabaab, balse aysan sheegi Karin qasaaraha soo kala gaaray.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.