DEG-DEG: Shirkii beelaha Dashiishe iyo Ismaaciil Saleebaan oo lagu kala tagay iyo beesha Dashiishle oo soo saartay dacwadii.

Shirkii Degmada Carmo uga Socday Ergo ka kala socotay Qaar ka mid ah Beelaha dishiishe iyo Beesha Ismaaciil Saleebaan ayaa wejigiisii Kowaad Is-Afgarad La”aan kusoo dhamaaday,iyadoona  Lagu kala kacay Shirkii gaarka ahaa ee Labaad Beeleed u dhaxeeyey.

Shirkan oo Mudo Sadex Beri Ah Degmada Carmo ka socday ayaa shalay Lagu kala kacay,iyadoona Qodobadii Lagu heshiin waayay dib Loogu celiyey Erdo dhexdhexaad ah Ee ka kala socday Beelaha kale ee Harti.

Beesha Ismaaciil Saleebaan ayaa ku adkaysanaysa inaysan deegaankan Sinaba uga guureyn,halka Beel ka mid ah Beelaha Dishiishe ee deegaankan Lihina ay arintaasi ku gacanseyrtay Laguna kala kacay Shirkii.

Deegaanka Duur.idaad Waxay Dacwadiisu socotay Mudo dhowr bilood Ah,iyadoona Maamulka Puntland uu isku deyey Mudo dhowr mar ah deegaankan dhismihiisa la joojiyo,walow uusan ku guuleysan Joojinta Dhismaha deegaankaasi.

Halkan Hoose ka Akhriso Dacwada dhulkan ee Maamulka Puntland Horey Loogu Gudbiyey.

Fiiro gaar Ah:-Sawir Hore.

 

 

 

Comments/Fikirkaaga

Post Comment