DEG DEG-Akhriso Alshabab oo soo bandhigtay magaca iyo qabiilka ninkii ka dambeeyey weerarkii

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa shalay weerar xoogan oo isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay shalay subax ku qaadeen Xeryo ciidan oo kutaala Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa ku bilowday Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari nuuca loo yaqaan Dyna uu waday ruux naftii hore ah, waxaana weerarkaasi is qarxinta lagu weeraray xero Ciidan oo kutaala degmada Balad Xaawo.

Al Shabaab ayaa baahisay wareysi ay ka qaaday ruuxii fuliyay weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay Saldhiga ciidan ee kuyaala Balad Xaawo, waxaana magaca ninka weerarkaasi fuliyay Al Shabaab ku sheegeen Axmad Jaamac Nuur (Zubeyr) oo u dhashay Qabiilka Reer Shabeelle.

Ninkan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay weerarka ismiidaaminta ah uu fulinayay uuna ugu dhawaanayo ilaahey, waxa uuna ninkan kula dar daarmay dagaalyahanada kale ee Shabaab in ay sii wadaan dagaalka ay ku jiraan.

Post Comment