DEG-DEG: DAAWO: Puntland oo Markii Ugu horeysay ka hadashay Kiiska Qalbi dhagax iyadoo Caddeysay Mowqifkeeda…

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Maamulka Puntland u qaabilsan xariirka gobollada Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan ayaa markii ugu horraysay taageeray mowqifka ay ka istaagtay Dawladda Soomaaliya qadiyada C/kariin Qalbi-dhagax.

Gurxan waxaa uu dhaleeceeyay ururka ONLF, Wuxuu Su’aal iska waydiiyey Cida ay Xoraynayaan, Wuxuuna sheegay inay Jabuuti, Waqooyi Barri Kenya iyo Kililka Shanaad ay ka socdaan Horumar aan horey loo gaadhin, Wuxuuna Sheegay in dadka Xiligan doonaya Soomaali-wayn ay Toban oo Calan oo kala duwan ay wataan.

Wuxuu sheegay in Dawladda Itoobiya ay Caawinayso Soomaaliya, oo Ciidamo badan ka Joogaan, Wuxuuna sheegay in Hadii la Caawiyo ONLF ay Itoobiya iyaduna Caawin doonto Al-shabaab.

Ugu dambayntii wuxuu Baarlmaaanka Soomaaliya ku dhaliilay inay ku Mashquuleen Shaqo aan loo dirsan.

Post Comment