WQ CABDULLAAHI SANCO MAXAA KA QALDAN DHAQAALAHA PUNTLAND?!

Puntland waa maamul jirsaday 19 sano oo laga filan karo maanta inuu sameeyay horumar dhankasta ah anoo middaas ka duulaya ayaan rabaa inaan soo qudbiyo warbixin ku saabsan dhaqaalaha Puntland . Qoraalkaan waxaan si gaar ah diiradda ugu saari doonaa 19 sano kadib maxay yihiin caqabadaha haysta dhaqaalaha Puntland? Iyo sidoo kale talo soo jeedin aan ku darsanayo oo aan is leeyahay waa lagu xallin karaa caqabadahaas.

Runtii ma yara caqabadaha haysan kara dhaqaalaha dhul ku yaalla dunida saddexaad oo haddana ku dhexyaalla waddan intiisa badan aysan kajirin amni lagu abuuri karo horumar dhaqaale oo xasiloon. Anoo arrimahaas oo dhan ogsoon ayaan qoraalkaan kusoo bandhigayaa caqabadaha haysta dhaqaalaha Puntland.

  1. Dhaqaale koror curyaan ah.

Caqabadda koowaad ee haysata dhaqaalaha Puntland waa dhaqaale koror hooseeya (Weak Economic Growth). Sida ku cad qorshaha horumarinta Puntland ee 5ta sano (Puntland Five Year Development Plan) dhaqaalaha Puntland wuxuu sameynaa kor u kac 3% taasoo ah wax aad u hooseeya oo aan laga filan karin maamul 19sano jirsaday oo intaas haystay xasilooni amni oo aasaas u noqon kartay in la helo horumar dhaqaale.

Waxsoosaarka Puntland (GDP) sida ku cad shaxdaan hoos ka muuqata si gaabis ah ayuu u siyaadayaa

GDP Growth
Year GDP ($) GDP PPP ($)
2014 2,027,938,434 8,111,753,734
2015 2,129,335,355 8,517,341,421
2016 2,235,802,123 8,943,208,492
2017 2,347,592,229 9,390,368,917
2018 2,464,971,841 9,859,887,362

Source: MoPIC, 2011b

  1. Miisaaniyadda Dowladda oo liidata (Weak government budget).

Caqabada labaad oo haysata dhaqaalaha Puntland waa miisaaniyadda oo ah mid aad u liidata taasoo badday in waddanku markasta uu kujiro is-dhin miisaaniyadeed (Budget deficit). Halka inta badan qeybaha dowladdu ay galayaan kharashaad tirobadan oo qeybtood ay yihiin wax laga maarmi karo.

Shaxdaan hoose ayaa muujinaysa isbarbardhigga dakhliga iyo kharashaadka dowladda.

Government Expenditure and Revenue
Year Government Expenditure Government Revenue
2014 42,175,617,430 41,245,286,548
2015 44,284,398,302 42,895,098,010
2016 46,498,618,217 44,610,901,930
2017 48,823,549,128 46,395,338,007

Source: MoPIC 2011b

Waxaad ka garan kartaan shaxdaan sida kharashka dowladdu uu uga badanyahay dakhliga dowladda. Mana jiro waddan horumar dhaqaale gaari kara isaga oo kujira is-dhin miisaaniyadeed (Budget deficit).

  1. Liidashada hab-maamulka cashuurta.

Cillada kale oo haysata dhaqaalaha Puntland waxa waaye hab maamulkii cashuurta oo aan fadhiyin. Waa sax waanku taageersanahay dowladdu inay qaaddo cashuurta waajibka ay ee ay tahay in la qaado laakiin waxa aan ku dhaliilsanahay dowladda habka cashuurtaas loo maamulo oo aan ahayn mid habboon. Haddii dowladdii ka cabanayso is-dhin miisaaniyadeed isla jeerkaasna ay maamuli la’dahay ilihii dakhligeeda kuwii ugu muhiimsanaa waxay caddayn u tahay inaan wali ka fognahay heer aan ku riyoonno horumar dhaqaale oo taabbagal ah.

  1. Tiro koob la’aan shacabka ah.

Tirakoobka dadku wuxuu muhiim u yahay dowladnimada iyo horumarka labadaba. Sida anigu aan qabo, dad badan oo dhaqaalaha bartayna ay qabaan korodhka bulshadu wuxuu saameyn togan kuleeyahay horumarka dhaqaalaha iyo waliba taabbagalinta dowlad wanaagga.

Dowladda Puntland 19sano kadib maanta majiro tirokoob si sax ah shacabkeeda loogu sameeyay wallow ay jiraan tirokoob ay hay’ado gaar ahi sameeyeen oo anigu aan dhaliilsanahay sax ahaanshahooda iyo tirokoob yo aan dhammaystirnayn oo dowladdu sameysay.

Tirkoobku wuxuu ina ka caawinaya in dadka raba inay waddanka maalgashtaan ay helaan tirsi ay ku go’aan qaadan karaan. Sidoo kale ganacsatada waddankuna inay fahmaan deegaanku intuu ganacsi qaadi karo iyo meelayoowga ay ka heli karaan dad farobadan oo wax iibsada.

  1.  Shaqo abuur la’aanta da’yarta.

Anoo tixraacaya warbixin ay soo saartay qaramada midoobay, heerka shaqo la’aanta kajirta Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu sarreeya adduunka ku dhawaad 67% ayaa shaqo la’aan ah dadka da’doodu u dhexayso 14 ilaa 29 sano. Halka 61% raga ah iyo 74% dumarka ah ay shaqo la’aanyihiin. Sida cad waa dhibaato weyn arrinta shaqo la’aan.
Dhibaatadaas shaqo la’aanta Puntland waxay la wadaagta soomaalida kale waase arrin lama huraan ah in la xalliyo.

Halkan ka aqriso qoraal aan horay uga qoray shaqo la’aanta (http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2016/12/baagamuuddo-iyo-burbur-dhaqaale.html)

  1. Sicir bararka

Sicir barar ku wuxuu caqabad weyn ku yahay dhaqaalaha Puntland

Jaantuskaani wuxuu muujinayaa sicir bararka Puntland ka jiray sanadihii lasoo dhaafay si gaar ah wuxuu farta ugu godayaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Haddaan si guud u fiirinno sicir bararka Puntland sida ku cad jadwalkaan 2006 wuxuu ahaa 29.72% waxayna ahayd markuu ugu yaraa wixii intaas ka danbeeyay wuxuu kujiray heehaab uusan meelna ku xasilnayn. Wuxuu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay sannaddii 2010 (July-September) 140.43%.

Sida aad uga jeedo jaantuskaan sicir bararka kajira Puntland waa mid aad xasiloonida uga fog wuxuuna caqabad ku ahaan doonaa dhaqaalaha ilaa inta xukuumadda deegaanka kajirta ay keenayso xal lagu xasilayo.

Halkan ka daalaco maqaal aan ka qoray sicir bararka (http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2016/11/silic-iyo-sicir-barar.html)

  1. Sarrifka lacagaha qalaad.

Sarrifka lacaguhu waa mid kale oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn oo Puntland haysta, maadaama aysan jirin dowladda dhexe oo tayo badan isla markaasna aysan jirin cid maamulaysa siyaasadda lacagta waddanka waxaa wax fudud iska noqotay in ganacsatadu ay noqdaan kuwa jaangooya sarrifka lacagaha oo markay doonaan bay kor u qaadaan markay doonaanna hoos ayay u dhigaan.

Jaantuskaani wuxuu ina tusaya  sarrifka billaha ah ee $1 inta uu u dhigmo So. Sh

Sida ku cad jaantuskaan 2001 bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 13,000 so. Sh, oo ahaa qiimo hoose marka loo barbardhigo sannadaha ka danbeeya. Sannadkii 2008 ayay ahayd markii Puntland uu shillinku gaaray heerkiisii ugu xumaa iyadoo la gaaray in $1 lagu sarrifo lacag 40,000 so. sh ku dhow oo ahayd 38,000 so. Sh.

Sida jaantuskaani sheegaayo sarrifka lacaguhu ma ahan mid fadhiya ee waa mid si xowli ah isu bedbedlaya taasna waxay caqabad ku tahay dhaqaalaha deegaanka, haddii aan xal loo helinna waa adkaan doontaa in horumar dhaqaale oo miro dhal ah la helo.

  1. Isu dheelli tirnaan la’aanta wax-soo-dhoofitaanta (import) iyo wax-dhoofinta (export).

Caqbad kale oo weyn oo Puntland haysata waxa waaye wax soo dhoofinta (import) iyo wax dhoofinta (export) oo aan isu dhammaystirnayn bal xitaa aan isu dhaweyn. Waxaan soo dhoofsannaa 78% halka aynu dhoofinno kaliya 22%.

Maadaama waxbadan aan soo dhoofsanno wuxuu waddankeenu kujiraa markasta is-dhin ama khasaare ganacsi (trade deficit) way na adagtahay inaan horumar dhaqaale ka fakarno inta xaaladdu saan tahay waana arrin u baahan in wax laga qabto ayna ku fashilmeen xukuumadihii deegaanka soo marayi inay wax ka qabtaan.

Source: MoPIC, 2011a

  1.  Kaabayaasha dhaqaalaha oo yar

Caqabad kale oo deegaanka haysata ayaa ah kaabayaasha dhaqaalaha oo aad ugu yar maadaama dowladdii Maxammed Siyaad AUN ay deegaankaan u aqoonsanayd gaariwaa isla markaasna aysan uga tagin kaabayaal dhaqaale oo fara badan. Si kastoo ay tahay xukuumadihii Puntland soo maray waxay xil weyn iska saareen sidii loo heli lahaa kaabayaal dhaqaale oo horumarsan, xukuumaddaan Cabdiweli Gaas ba ha ugu fiicnaatee dhammaantood waxbadan ayay ka qabteen dhankaas wallow ay tahay wali caqabad taagan oo si ku filan aan loo xallin.

  1. Soo dejinta qaadka.

Dhibaatada kale ee deegaankaan haysata waa qaad oo ka mid noqday cunnooyinkii caadiga bal wuxuu ka isticmaal badanyahay cuntooyinka qeybtood.

Maadaama deegaanka uusan qaad ka bixin waxaa laga keenaa waddamada deriska ah Ethiopia iyo Kenya lacag farabadan ayaana kaga baxda dadka deegaanka oo ay wax kale ku qabsan lahaayeen.

Sidoo kale waxa aan indhaha laga qarsan karin in qaadku uu yahay il dakhli oo dowladda lacag badan oo cashuur ahi kasoo gasho, wallow khasaarihiisu uu ka badanyahay faa’iidadiisa.

  1. 1Suuqyada maaliyadda oo aan firfircoonayn.

Wallow sannadihii ugu danbeeyay uu kobcay suuqa bangiyadu haddana wali ma gaarin heer ku filan. Puntland si ay ula jaanqaaddo horumarka dunida kale gaartay waa inay kajiraan bangiyo bixin kara dhammaan adeegyada loo baahan karo oo lagama maarmaanka u ah ganacsiga iyo nolosha.

TALO SOO JEEDIN.

Waxaan talo ahaan kusoo jeedinayaa:

  1. Dowladdu inaysan sameyso shaqo abuur si loo xalliyo dhibaatada shaqo la’aanta isla markaasna tillaabo horay loogu qaado horumarinta dhaqaalaha.
  2. Dowladdu waa inay dib u eegis iyo sixitaan ku sameysaa miisaaniyadda ay dejiso isla markaasna ay hubisaa in meelkasta loo qoondeeyay kharashkii ku habboonaa maadaama miisaaniyadda hadda ay kajirto isu-dheellitirnaan la’aan weyn.
  3. Dowladdu waa inay dadaal iyo waqti gelisaa sidii loo tirokoobi lahaa shacabka Puntland taasoo sahli karta in qiimeyn dhab ah lagu sameeyo suuqa Puntland iyo tirada ganacsi ee uu qaadi karo ama laga hirgalin karo. Sidoo kale waxay sahlaysaa in la gaaro doorasho hal qof iyo hal cod ah.
  4. Dowladdu waa inay bangigeeda shaqadiisa u ogolaataa isla markaasna kula xisaabtantaa inuu xalliyay sicir bararka iyo sarrifka lacagaha iyo inkale. Sidoo kale dowladdu waa inay ka waantoowdaa dhaqan xumada maamul ee ah inay isku daydo in sicir bararka lagu xalliyo qori caaraddiisa isla markaana loo diro inay xalliyaan dad aan ehelkeedii ahayn.
  5. Dowladdu waa inay dhiirrigelisaa waxsoosaarka waddanka si loo yareeyo farqiga weyn is-dhin ganacsiyeedka ee jira.
  6. Dowladdu waa inay cilmi baaris rasmi ah ka sameysaa dhibaatada qaadka isla markaasna ay ka yeelataa siyaasad cad oo haddaan xitaa la joojin karin suurtogalin karta in labada dhinac ee heshiiska qaadku ka dhexeeyo ay si isu dhow uga faa’iidi karaan.
  7. Dowladdu waa inay dhiirrigelisaa bangiyada deegaanka ku yaal isla markaasna ay kuwo kale kusoo jiiddaa inay yimaadaan taasoo suurtogelin karna in la helo maalgalin dibadda inooga timaadda.

Ugu danbeyntii waxaa hubaal ah intaan in ka badan oo caqabado ah inay jiri karaan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa WAR LA HEL YAABA TALO LA HEL caqabadaha aan qoraalkayga ku xusay dhaliil ma ahan ee waa inaa ogaanno meesha la ina ka hayo si aan u raadinno illinkii aan u mari lahayn xallinta dhibaatadaas.

TIXRAAC

MoPIC, 2013, Puntland Macroeconomic Projections, MoPIC, SIDP-IOM, August, Garowe

MoPIC, 2014, Puntland Five Year Development Plan 2014-2018, Garowe, Puntland

Puntland Economic Challenges and Future Possibilities by Mohamed Said Samantar, DPhil

Puntland’s Consumer Price Index  & Exchange Rate Regime January 2014 Retrieved on Aug 8

Post Comment