DEG-DEG: Axmed Madoobe oo mid kamid ah gollaha wasiiradda Farmaajo u diiday Kismaayo kadib go’aankii maanta.

Go’aankii Maanta ka soo baxay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ee ku qorna war Murtiyeedkii ay ka soo saareen Magaalada Kismaayo oo maalmahan ay ku shirsanayaeen ayaa maanta durbadiiba hirgalay kadib markii Wasiirka Cayaaraha iyo Dhalinyarada ee Dawladda FS Khadiija Maxamed Diiriye loo diiday inay timaado Magaalada Kismaayo si ay uga qayb gasho Furitaanka Tartanka Kubada Cagta ee Maamul Gobolrrdyada oo la filayo inuu dhawaan ka furmo Magaalada Kismaayo.

ilo wareedyo Muhiim ah ayaa xaqiijiyey in Khadiija Maxamed Diiriye ay ku wargelisay Maamulka Jubaland inay imaanayso si ay u furto Tartanka Balse loo diiday.

Go’aankan hoose ayaa ka mamnuucaya Madaxda Dawladda FS inay hawlo shaqo u tagaan Dhamaan Deegaanada Maamul Goboleedyada, inta ka horeysa marka wadahadal dhab ah ay yeeshaan Dawladda FS iyo Maamul Goboleedyada sida ay ku sheegeen War Murtiyeedkii kasoo baxay Maanta.

Wasiir Khadiijo ayaa noqotay Mas’uulkii ugu horeeyey ee dowladda ka tirsan oo uu qabto go’aanka kasoo baxay Maamul Goboleedyada kuwaas oo si kumeel gaar ah u hakiyey la falgalka dowladda dhexe inta laga xalinayo khilaafka jiro.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.