DHEGAYSO FAAHFAAHIN-Ciidamo aad u tababaran oo xalay guryaha ugu dhaadhacay qaar kamid ah

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan xaafadaha degaanada halkaasi ku yaalla.

Ciidamada oo Howlgalkooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay si gaar ah uga wadeen agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa nin ka tirsanaa Ergadii magaalada Baydhabo ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Dadka degaanka, ayaa markeliya ku soo baraarugay ciidan fara badan oo lagu soo daadiyay xaafadda Tabeelaha Sheekh ibraahim, Sarkuusta ilaa degaanka Garasbaaley, iyadoo ayna xireen wadooyinka soo gala.

DHEGAYSO

Post Comment