BREAKING NEWS:- Dowladda Puntland oo caawo shaacisay warkii ugu weynaa iyo maydadka 30 Daacish oo yaala buuraha…………

Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay duqeyn ay diyaaradaha drones-ka Marykanka ka fuliyeen gobolka Bari ee Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo caawo ayaa sheegay in ugu yaraan 30 ka tirsan Daacish ay ku dhinteen duqeynti Axaddii la soo dhaafay militariga Maraykanku la beegsadeen mintidiinta Daacish ee gobolka Bari.

 

“Annagu sidaan hadda  xaqiiqada ku haynno, waxaa weeye soddomeeyo ilaa afartameeyo,meelahaas baa ka dhintay baa la yiri oo asker ah,laakiin marka ay wax dhacaan muddo ayey qaadanaysaa in wixii saxa la helo”,ayuu yiri Dowlad.

 

Isniintii shalay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo diiday in magaciisa la xigto ayaa  warbaahinta  u sheegay in ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeyntii ugu dambaysay ee Maraykanku la beegsaday Daacishta buuraleyda gobolka Bari subaxnimadii Axadda.

 

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in duqeyntaasi jirtay,islamarkaana ay ku dhinteen qaar kamid ah argagixisada. Ilaa 15 dhiigyo-cabbe ayaa halkaas lagu khaaajiyey,sida aan xogta ku helnay“,ayuu yiri sarkaalka.

 

Puntlandnews.net

Post Comment