Sawirro+waraysi-duulaankii ugu dambeeyey ee ciidanka Puntland ku qaadeen Daacish iyo wasiirka amniga oo caawa shaaciyey

Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay duqeyn ay diyaaradaha drones-ka Marykanka ka fuliyeen gobolka Bari ee Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo caawo ayaa sheegay in ugu yaraan 30 ka tirsan Daacish ay ku dhinteen duqeynti Axaddii la soo dhaafay militariga Maraykanku la beegsadeen mintidiinta Daacish ee gobolka Bari.

 

“Annagu sidaan hadda  xaqiiqada ku haynno, waxaa weeye soddomeeyo ilaa afartameeyo,meelahaas baa ka dhintay baa la yiri oo asker ah,laakiin marka ay wax dhacaan muddo ayey qaadanaysaa in wixii saxa la helo”,ayuu yiri Dowlad.

 

halkaan ka dhegayso codka

 

SAWIRRO

Post Comment