WAR DEG DEG AH-Guuxa diyaaradaha oo caawa laga seexan la’yahay iyo diyaarado caawa duqeeyey qaybo kamida h

Ciidamada Mareykanka ayaa maqrabnimadii caawa Saacadu marka ay ahyed 06:00-PM waxa ay Duqeyn ka fuliyeen Saldhig ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeyntan oo ay fuliyeen Diyaaradaha Droneska ee Mareykanka ayaa waxa ay si gaar ah uga dhacday saldhiga Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Yaaq-bari oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee Ciidamada Mareykanka kala Shaqeeya dhanka Howlgalada gaarka ah ayaa Idaacada Codka Ciidamada Qalabka sida u Xaqiijiyay in Duqeynta ay ka dhacday bar Kontarool oo Al-shabaab ku lahayeen Degaanka Yaaq-bari Weyne.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen Duqeyntan in lagu dilay ilaa Lix Dagaalame oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga lagu duqeeyay.

Mareykanka ayaa maalmahan dambe kordhiyay Duqeymaha uu ka fulinayon gudaha Soomaaliya, ee uula beegsanayo saldhigayada Shabaab ee Gobolada dalka ay ku leeyihiin.

Post Comment