Beesha caalamka oo war degdeg ah kasoo saaray doorashadii Soomaaliland kuna dhowaaqay go’aan culus.

Wafdi sare oo ka socday dalal caalami ah ayaa booqday Hargeysa, kuwaas oo soo eegayay sida ay u socoto qabanqaabada doorashada bisha soo socoto ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida u dhowaaqday ee Somaliland.

 

Warsaxaafadeed ay soos saareen ayaa lagu xusay in Hargeysa ay booqdeen safiirada Denmark, Midowga Yurub, iyo ergo ka socotay Finland, Fransiiska, Netherlands iyo UK.

 

Wafdiga ayaa la kulmay madaxwayne Siilaanyo, guddiga doorashada ee NEC iyo seddax musharrax oo xilka madaxweynaha u tartamay.

 

Waxay sheegeen in ay si cad u taageereen in doorasho xaq ah  ay Somaliland ka dhacday. Sidoo kale musharrixiinta waxay ku booriyeen in ay aqbalaan natiijada kastoo ka soo baxda doorashada.

 

“Daneeyayaasha caalamiga ah waxay ogaadeen in diyaargarowga doorashada ee guddiga NEC uu ahaa mid miro dhal leh”, ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen ergada booqatay Hargeysa.

 

 

Post Comment