XOG: Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay agaasimihii guud ee wasaaraddiisa iyo agaasime waaxeed kale.

Warbaahinta Puntlandnews oo soo xiganaysa xog lagu kalsoon yahay ayaa ogaatay in wasiirka xanaanada xoolaha Puntland, Cabdulaahi Sheikh Axmed uu shaqadii ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaaraddaas Axmed Cali Shirre iyo agaasimihii waaxda qorshaynta iyo tababarada Mustafe Xaaji.

 

Sababta uu wasiirku shaqada uga joojiyay masuuliyiintaan ayaa lagu sheegay inay la xiriirto ismaan dhaaf ka dhashay arrin xaga shaqada la xiriirta, taasoo ku saabsan codsi la weydiistay wasiirka oo ahaa inuu saxiixo warqad u ogolaanaysa masuuliyiinta ka hoosaysa inay accounka wasaaradda lacag kasoo bixin karaan, si aan shaqada u cuuryaamin inta wasiirku ku maqan yahay safar uu u bixi lahaa.

 

Wasiirka ayaa si aad ah uga xanaaqay codsigaan oo Email ahaan loogu diray, wuxuuna ugu dambayn shaqadii ak joojiyay agaasimihii guud iyo agaasimihii qorshaynta iyo tabbarada.

 

 

 

 

Post Comment