BAROORTU ORGIGA KA WEYN. WAX KASTA KA OGOOW MEESHA UU SALKA KU HAYO BUUQA MAALMAHAAN HAREEYAY BARLAMAANKA PUNTLANDL. (XASAASI)

Iyadoo golaha wakiillada puntland uu ku gada jiro Maalmihii ugu dambeeyey kalfadhigiisa, Ayna jiraan ajendayaal muhiim ah sida Ansixinta Miisaaniyadda 2018 Iyo Xeerar kala duwan oo ay soo gudbiyeen,

 

hay’adaha dawladdu oo loo baahan yahay in baarlamaanku Go’aan ka gaaro ayaa waxa guddoonku bilaabay motiono badan oo ay ku jirto soo jeedin xilka looga qaadayo xildhibaan Farax caydiid casoowe oo uu fasaxay guddoonka golaha wakiillad, kuna Maqan Fasax iyado indhaha laga laliyey tallaaboiyinka la maro, marka xildhibaan xasaanadda laga qaadayo, iyadoo Sharciyada uu xilka ku weyn karo Xildhibaanku shuruudaha ku xusanQodabka 62aad ee Dastuurka DPL.

 

Intaa Kadib Waxaa mudanayaashii buuq ka sameeyeen arrintan Waxaana La hakiyey codkii kalsoonida Kala noqoshada mudanaha. waxa xigay tallaabo kale oo sharci darro ah oo guddoonka baarlamaanku ku soo gudbiyeen soo jeedin ku saabsan dhismaha guddiga xulista xildhibaanada iyo xallinta khilaafaadka baarlamaanka cusub ee 2019 kuwaas oo iyana dooran doona madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland. Arrintan waxa ka dhashay laba kudladood oo Barlamaanka ah Kuwaas oo iska soo horjeeda,

 

1.koox waxa hogaaminaya guddoonka golaha iyo xildhibaano ruug caddaa ah oo qaarkood ay ka mid yihiin xildhibaanadii lagu asaasay baarlamaanka puntland iyo mudanayaasha kale oo u badan xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada, Halka ay xildhibaannada kale u badan yihiin da’yar ku soo biiray golaha xilliyadii madaxweyne faroole iyo madaxweyne cabdiweli gaas.

 

Damacaan waxa ka dhashay baarlamaan qaybsan iyo shaqadii loo wakiishay xildhibaanada oo joogsatay ka dib markii in ka badan 28 xildhibaan ka baxeen hoolkii shirarka iyagoo guddoonka ku duray inuusan golaha dhex u ahayn Sidoo Kalana Ku eedeeyay in iyagoo xambaarsan yihiin Soojedintaan.

 

Ujeedda guracan oo ah in guddoonka iyo ciddii la afkaar ahi inay dib u soo noqdaan iyagoo ah boqorro ballan qaadna u sameeyey xildhibaankii ka mid noqda kudladdan inuu mar labaad uu dib u soo noqonayo balse waa haddii uu taageero dhismaha guddigan oo ka kooban 8 xubnood oo mid ahi ay tahay/yahay xoghaynta guddiga.

 

Shaxda guddiga waxa loo dhigay in 4 xubnood guddoonku soo xulo halka 3 xubnood iyo xoghaynta ay soo xulaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Guddoonku iyagoo ka wakiil ah golaha waxay Qoondaysteen inay soo xulaan xildhibaanada gobollada Bari , Sanaag ,Sool iyo cayn oo Waarta Isku Darkoodu yahay 21+11+15= 47 xubnood.

 

Dhinaca Kale Gudoonka iyo Kudlada ay Hogaminyaaan, Ayaa Sheegay in Madaxtooyada soo gudbiso xildhibaanada gobollada Mudug iyo Nugaal 10+19.

 

Gabo-Gabo.

 

Maxay tahay Sababta ka dambaysa Damaca guddoonka iyo kooxda farsamada ku shaqaysata? waa in ay isku qanciyen in madaxweyne C/weli gaas aanu sharaxnay 2019 ka iyo inay kharash xoog leh ka heleen mid ka mid ah murashixiinta xilka madaxweyne iyo ku xigeenkiisa ayna dawladdaasi cusub ka helaan saamayn siyaasadeed ,mid dhaqaale, mahadnaq iyo abaaloo joogto ah. Sidoo Kale Waxay Tani ka turjumaysaa falsafadda danaystaha aan u adeegayn danta guud “dhabarkayga ii xoq aniguna aan kaaga kuu xoqee” “Wellee ina ragoo talo adduun taada uun ma aha”

 

Filo qormo kale oo ifinaysa waxyaabaha dhici kara maalmaha xiga 6-10 Disember 2017 FG:

 

Guddigan waxaa xilliyo kala duwan magacaabay madaxweynayaashii u kala dambeeyey xilka madaxweyne ee Puntland. Nov.2004 Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi Nov.2008 Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi(G.Cadde) Nov. 2013 Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).

 

Lasoco Wararka Barlamaanka oo aan il Gooniya Ku Hayno.

Post Comment