Cabdi Qaasim Salaad Xassan,” ‘Kuwa dowladda kasoo horjeedo wanaag laguma baran waa kuwii anigoo ina adeerkood ah Villa Somalia ii diiday.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya C/ qaasim Salaad Xassan ayaa yiri ”Kuwa iminka dowlada kasoo horjeedo wanaag laguma baran waa kuwii anigoo ina adeerkood ah Villa Somalia ii diiday marka Farmaajana ma diidana Khayrana ma diidana anigana ima aysan diidanayn laakiin waxay diidanyihiin dowladnimadda.

 

” Walaahi ayaan ku dhaartay xataa hadii Farmaajo iyo kheeyre lagu badalo inaysan heshiineynin waayo yoolkooda ama hiigsigooda ayaaba ah in wax dowlad ah aysan dalkaan ka dhalan marka maalin walba waxay isticmaalayaan shaarar kala duwan oo kan ugu hooseeya ay ku qorantahay ma rabno dowlad waxaana rajeeynayaa in dadka soomaaliyeed fahmi doonaan.

 

Dhinaca kale,. xildhibaanada iyo Siyaasiiin Mucaarad ku ah Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa bilaabay in dhaqaalo badan ku bixiyaan Baraha Bulshada si loo muujiyo in ay sii yaraaneyso taageerada bulshada u heyso dowlada.

 

Xubnahan Mucaaradka ah oo dhaqaalo badan ka helaya Dowlado Carbeed iyo Ururo is qarinaya ayaa bilaabay in ay sameystaan dhalinyaro baraha bulshada asxaab badan ku leh kuwaa ay siiyeen dhaqaalo si ay u baahiyaan borobogaando iyo dhaliilaha dowlada.

 

Dhalinyarada lacagaha ka helay Kooxaha mucaaradka ah ayaa bilaabay in baraha Bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twiterka soo dhigaan qoraalo iyo muuqaalo u muuqda kuwa dowlada looga soo horjeedo laguna ceebeenayo.

 

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowlada ayaa sidoo kale sameeyay bogag bodan oo Facebooka iyagoona lacago ku bixinaya si aragtidooda iyo mucaarada dowlada uu dad badan u gaaro.

 

Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ahaa kuwa si weyn uga dhax muuqday baraha Bulshada, waxaasa moodaa in hada ay sii yaraanayaan ayna xoogeesanayaan dadka mucaradka dhaqalaha siiyeen.

 

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey loogu xamanayay in dhankeeda dhaqaalo badan ku bixineysay Baraha Bulshada , waxaana wararku sheegayeen in Madaxtooada dhalinyaro badan dhaqaalo ku siineysay faafinta Daacaada dowlada.

One thought on “Cabdi Qaasim Salaad Xassan,” ‘Kuwa dowladda kasoo horjeedo wanaag laguma baran waa kuwii anigoo ina adeerkood ah Villa Somalia ii diiday.

  1. WARAABE KAN CIYA IYO KAN AAMUSAN WAXAA LA QAATAY KAN CIYA, WAAYO MEESHUU KAA JIRO AYAAD GARANEYSAA.
    BAADIDA NIN BAA KULA DAYDAYA OO JECEL IN AADAN HELIN DAAIN ABADKAAYE.

    Cabdiqaasin, ha dulmeerin ee magacyadooda sheeg si dadweeynaha Soomaaliyeed uu u ogaado o isaga dhiciyo. Dadka dalka, dawlaladda iyo dadweynaha in ay faylaha jaraan u nool oo waliba qaarkood mushahaaro dalka ka qaataan kuma magacaabi karno mucaarad ama siyaasiyiin ee waa yaw iyo baaba’ ku riyaaqayaal. Dadweynuhu hadday yaqannaan ha iska qabteen, waayo Shabaab way ka sii xunyihiin.
    Cabdiqaasinow nimaka aad sheegeyso, malaayiin Soomaali ah in noloshooda iyo mustaqbalkooda ay tirtiraan ayeey u diyaargaroobeen, ee magacyadooda baahi, ha laiska qabtee.

    Reply

Post Comment