DEG-DEG:- Alshabab oo war Qoraal ah kasoo saaray Go’aankii uu Trump ugu aqoonsaday Qudus Caaasimada Isra’il

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab laguna baahiyay Bogga ay ku leeyihiin Internetka ayaa looga fal celiyay go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’el.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay go’aanka Trump uu ugu aqoonsaday Qudus caasimada Isra’el, wuxuu sheegay in tallabada Qudus uu Mareykanku ugu aqoonsaday Caasimadda Israel ay muujinayso sare ukaca cadaawadda uu u qabo islaamka.

 

Al Shabaab waxay sheegtay in dhulka Filasdiin dhammantiis uu yahay dhul barakeysan oo muslimiintu ay leeyihiin waxayna muslimiinta usoo jeedisay in ay u istaagaan difaaca muqadasaadka “waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muslimiinta in ay hubka qaataan oo Masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa ay ka difaacaan gumeysiga Yahuudda ee Mareykanku taageerayo, wixii xoog lagaaga qaato lagumasoo ceshado wax aan awood aheyn” ayuu yiri Cali Dheere mar uu ka hadlay go’aankii Trump ugu aqoonsaday Qudus caasimada Isra’el.

Jawaab celintan ka timid Al-shabaab ayaa imaanaysa xilli Shacabka Muslimiinta caalamka ay ka caroodeen warkii xalay kasoo yeeray Trump ee magaalada Qudus uu kusiiyay Isra’el waxaana meelo badan oo caalamka islaamka katirsan ka dhacaya dibad baxyo rabshada wata oo loogasoo horjeedo dowladda Mareykanka laguna gubay meelo ka mid ah Calanka dowladda Mareykanka iyo Sawirada Trump.

 

 

 

 

Post Comment