DEG-DEG: Maamulaha dekeda Bosaso Paul Anthony Formosa oo go’aan cad ka qaatay qodobadii Isimadu soo saareen.

Paul Anthony Formosa oo ah maamulaha shirkada dekeda maamuli doonta mudada 30 ka sano ah ayaa diiday iIn wax alaab Ah Ay Dekeda Ka Baxaan.

 

Inkastoo mar dambe arrintaan la xaliyay, ayaa hadana Paul Anthony Formosa wuxuuu dalbaday in laga Qanciyo Heshiiska Dawladda iyo Ganacsatada ee Isimadu Soo Sareen.

 

Shirkada DP-World, oo heshiis maaliyaddeed kula wareegtay maamulka dekeda Bosaso, ayaan la ogaandoonin qaabka ay ugu qancidoonto go’aanadii Isimadu soo saareen.

\
Madaxweyne Gaas ayaa dhowaan sheegay in shirkada DP-world ay xaq uleedahay inay cansuur kusoo kordhiso badeecadaha lagasoo dajiyo iyo kuwa ka dhoofa dekeda Bosaso, maadaama ay dhaqaale xoogan ku bixiyeen inay dekeda maamulaan.

Qaar kamid ah ganacsatada Puntland ayaa la sheegay inay ku qanci waayeen go’aanada Isimada kasoo baxay, iyagoo sheegay inay dowladda u xagliyeen.

 

Post Comment