DEG-DEG:- SAWIRRO: Musiibo culus oo ku dhufatay Maraykanka kadib hadalkii Trump ee ahaa Qudus waa caasimadda Israel

DEG-DEG:- SAWIRRO: Musiibo culus oo ku dhufatay Maraykanka kadib hadalkii Trump ee ahaa Qudus waa caasimadda Israel

 

Buuraha dhaca Bariga Colifornia ayaa dab xoogan ka-kacay , xakuumada Maraykanka ayaa la tacaalaysa daminta dabkaasi.

 

Dhacdadan ayaa timi, kadib markii uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Maraykanka Donald J. Trump in Magaalada Jerusalem [ Qudus ] ay tahay caasumadda Isra’il.

 

Madaxweyne Trump ayaa isagoo ka hadlayey Aqalka Cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

 

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

 

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.

 

Post Comment