WAR CUSUB-Rag katirsan Alshabaab iyo gaadiid dagaal oo isu soo dhiibey ciidamo kusugan duleedka

Wasiiru Dowlaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin ayaa maanta Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay halka ay marayaan Howlgalada ka socda guud ahaan dalka ee lagula dagaalamayo ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Wasiiru Dowlaha in meel wanaagsan ay marayaan Howlgalada ka dhanka ah Shabaab, isaga oo sidoo kale shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay degmada Afgooye ku qabteen laba nin oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dil u geystay qaar ka tirsanaa shacabka degmadaasi.

Wuxuu kaloo sheegay Wasiiru Dowlaha in Ciidamada ku sugan degmada Diinsoor ay isku soo dhiibeen xubno Shabaab ka tirsan oo la socday gaari Cabdi Bille ah, kuwaasi oo hada ku jira gacanta Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa warbaahinta u sheegay in la dardargelinayo Howlgalada ka socda gobolada dalka.

Post Comment