War Deg Deg Ah:Madaxweynaha Turkiga oo hada ku dhawaaqay war dhul gariir ku riday Dowladdaha Yuhuuda iyo Maraykanka oo…

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu doonayo in uu falastiiniyiinta uga furo bariga magaalada Qudus safaarad uu Turkigu leeyahay.

 

Khudbad uu jeediyey ayuu ku sheegay Mr. Erdogan in ay horeba halkaas uga furnayd qunsuliyad.

Magaalada Qudus ayaa waxaa gacanta ku haysa Israa’iil oo ku tilmaanta caasimadeeda aan la kala qaybin karin lamana hubo sida uu arrintan u hirgelin doono Mr. Erdogan.

 

Hogaamiyaha Turkiga wuxuu hore u cambaareeyey talaabada uu madaxweynaha Maraykanka ku doonayo inuu safaaradiisa ugu raro magaalada Qudus uuna ugu aqoonsanayo caasimadda Israa’iil.

 

Todobaadkii hore ayaa shir madaxeed ay isugu yimaadeen dalalka islaamka waxay ku baaqeen in beesha caalamku ay u aqoonsato bariga Qudus inay tahay caasimadda Falastiin.

 

Post Comment